'Golaha Ammaanka' oo sanad dheeraad ah ku daray cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Wednesday November 17, 2021 - 12:53:29
Liibaan Jeexoow
Kadib kulan ay xubnaha golaha Ammaanka Q.Midoobay ku yeesheen magaalada New York ee dalka Mareykanka ayay uga hadleen xaaladaha ammaan ee dalka Soomaaliya.


Kulanka ay yeesheen 15-ka xubnood ee joogtada ah ayay ku dhaleeceeyeen saanado hub ah oo la sheegay in dowlado shisheeye ay ku daabuleen dalka Soomaaliya.

Golaha ayaa si aqlabadiyad leh ugu codeeyay in sanad dheeraad ah lagu daro cunaqabateyntii hubka ee saarneed dalka Soomaaliya,Q.midoobay ayaa sababta ay cunaqabateynta hubka ugusii adkeysay Soomaaliya ku sababaysay cabsi laga qabo in Al Shabaab ay ka faa'iidaysato.

Sidoo kale 'Golaha ammaanka' ayaa DF-ka ku booriyay in ay la shaqeeyaan waxa loogu yeero beesha caalamka si ay loo xakameeyo awoodda Al Shabaab looguna diido in ay sameyso horumar dhaqaale iyo mid melleteri.

13 kamid ah dowladaha joogtada ka ah UN-ka ayaa ucodeeyay in cunaqabateynta hubka lagusii haayo Soomaaliya halka Ruushka iyo Shiinaha ay ka aamuseen.

Related Items

Update cookies preferences