Wadahadalladii ku saabsanaa Mustaqbalka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya oo fashil kusoo dhammaaday [Warbixin].

Saturday November 20, 2021 - 07:37:14
Liibaan Jeexoow
sawir hore shir ay yeesheen Taliyaasha AMISOM
sawir hore shir ay yeesheen Taliyaasha AMISOM
Waxaa fashil iyo is faham-waa kusoo dhammaaday wadahadalladii udhaxeeyay dowladda Federaalka iyo Ururka midowga Afrika kuwaa oo salka ku hayay mustaqbalka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya.


kulamada oo ka socday xerada Xalane ayay labada dhinac ku kala tageen kadib markii ay dowladda Farmaajo si cad udiidday qorshihii ay wateen saraakiisha golaha ammaanka iyo nabad gelyada midowga Afrika.

Max'med Cabdirisaaq oo ah wasiirka arrimaha dibadda DF-ka ayaa warbaahinta usheegay in madaxda AU ay ka diideen dhammaan qorshahoodi ahaa in waqti dheeraad ah lagu daro howlgalka AMISOM islamarkaana laga dhigo howlgal caalami ah.

DF waxay carabaawday in ay iska diiday in lacaalamiyeeyo howlgalka midowga Afika taas bedelkeeda ay dalbadeen in waqti kooban loo qabto ciidamada AMISOM islamarkaana ciidamada soomaalida lasiiyo taakuladii ay ka heli jiraan waxa loogu yeero Q.Midoobay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in 'Q.Midoobay' ay maalmaha soo socda go'aan kama dambays ah kasoo saari doonto khilaafka udhaxeeya DF iyo hoggaanka Ururka midowga Afrika.

Dhinaca kale hay'ad caalami ah oo ka fallooto arrimaha dagaallada ayaa walaac ka muujisay in jihaadiyiintu ay la wareegaan talada Soomaaliya haddii ay ciidamada shisheeye dalka isaga baxaan.

Hay’adda xasaradaha aduunka ayaa digniin culus kasoo saartay in Ciidamada AMISOM laga saaro gudaha Soomaaliya iyadoo aan la heyn ciddii Amniga kala wareegi laheyd.

Hey’adda ayaa sheegtay inay walaac xoog leh ka qabto hubanti la’aanta ka jirto mustaqbalka ciidamada AMISOM maadaama waqtiga howlgalkaan uu ku egyahay 31-ka December 2021.

ICG ayaa xustay in Al-Shabaab ay durba la wareegi doonto guud ahaan Soomaaliya haddii ay ciidamada AMISOM isaga baxaan Soomaaliya, waxayna sheegtay inay saameyn ku yeelan doonto arrintaasi Soomaaliya iyo guud ahaan Qaaradda Africa.

Horraantii sanaddii 2007 ayay cutubyadii ugu horreeyay ee ciidamada shisheeyaha AMISOM gomodahooda soo dhigeen Soomaaliya iyagii garab iyo gaashaan u ahaa ciidamadii Xabashida Itoobiya ee waqtigii dalka gummeysi ku qabsanayay.

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa ku guuldarraystay muhiimaddiisan oo aheyd in ay dalka katir tiraan awoodda jihaadiga ah.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

Update cookies preferences