R/wasaare Abiy Axmed oo howlihiisa shaqo uwakiishay wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya [Update].

Wednesday November 24, 2021 - 16:40:44
Liibaan Jeexoow
dowladda Xabashida Itoobiya ayaa wixii ay ciidan haysay isugu geysay difaacidda magaalada addis ababa oo kooxaha mucaaradka ay xoogga saareen.

Wararka ka imaanaya itoobiya ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ka socdaan illaa sedax gobol oo muhiim ah, ilo wareedyo ayaa tilmaamaya in ciidamada melleteriga itoobiya ay horumar ballaaran ka sameeyeen jabhadda dagaalka mille ee gobolka cafar halkaas oo ay ku dhowdahay waddo halbowle u ah nolosha malaayiin ruux xabashi ah.

Ciidamada Federaaliga ah oo uu horkacayo R/wasaare Abiy Axmed ayaa isku dayaya in ay dib uqabsadaan mille ayna jaraan wadada ay saadka isugu kala gudbistaan maleeshiyaadka fallaagada tigreega.

warbaahinta afka ku hadasha afka dowladda ayaa soo warisay in si adag laysaga caabiyay tigreega, muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay Abiy Axmed oo dagaalka hoggaaminaya, inkastoo oo goobta uu ku sugnaa aan xabad laga maqlayn hadane wuxuu joogay talis ciidan oo laga hagayay mid kamida dagaallada ugu culus ee dalka itoobiya.

maanta gelinkii dambe ayuu Abiy ku dhawaaqay in howlihiisi shaqo uu uwakiishay wasiirkiisa arrimaha dibada.

Bayaanka kasoo baxay xafiiska R/wasaaraha waxaa lagu caddeeyay in shaqooyinka muhiimka ah uu sii wadi doono wasiirka arrimaha dibadda, sida shirinta golaha wasiirrada iyo qaabilaaddi wufuudda caalamiga ah.

Caasmadda Addis Ababa waxaa laga dareemayaa saan saanta dagaalka, xaafado caan ku ahaa zaxmadda ayaa laga dareemayaa nuqsaan dhanka dadka ah.

Wakaaladda wararka faransiiska ayaa baahisay warar sheegaya in kooxaha mucaaradka ay si lama filaan ah ku gaareen deegaanka debrisiina oo qiyaastii 30km ujira caasimadda Addis.

melleteriga dowladda wuxuu ku adkaysanayaa in uu iska caabinayo taqadumka mucaaradka isagoo dacaayad rakhiis ah ku tilmaamaya wararka sheegaya in ay kusii siqayaan caasimadda.

Waa taariikhda marki ugu horraysay oo R/wasaare itoobiyaan ah uu noqdo jabhad ka dagaallamaya jiidda hore ee dagaalka waxayna falanqeeyaaashu arrintan ku sifeeyeen mid muujinaysa sida loo wiiqay melleteriga itoobiya oo mar ahaan midka 2aad ee ugu awoodda badan qaaradad afrika.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

Update cookies preferences