Maxkamad islaami ah oo go'aan kasoo saartay dhul laysku heystay oo ku yaalla Muqdisho [Dhageyso].

Monday November 29, 2021 - 19:54:46
13043
Liibaan Jeexoow
Maxkamada Shareecada Islaamka ee Radul Madaalim qeybteeda gobolka Banaadir ayaa fulisay xukuno Islaami ah oo dhowr ah kuwaas oo lagu kala xukumay dhulal iyo boosas ay isku haysteen dad Muslimiin ah.

Dhulalkan iyo boosaskan oo ku yaalla Magaalada Muqdisho iyo duleedyadeeda ayaa waxaa dhageysigeeda uu socday dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay.

Maxkamada Radul Madaalim ayaa xukuntay 11 gal dacwadeed kuwaas oo dadkii isku haystay dhulalkaas loogu kala xukumay si waafaqsan shareecada Islaamka.

Hadaba waxaan idiin soo gudbin doonaa xukunadii ay riday Maxkamada Radul Madaalim, waxaad imika kusoo dhawaataan xukunkii 1aad oo laga soo saaray dhul muddo dheer lagu muransanaa oo ku yaalla degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Halkan ka dhageyso Xukunka 1aad ee Maxkamadda MP3

Related Items

Update cookies preferences