Roobab Muqdisho ka da'ay oo banaanka keenay waddooyinka dhismahooda lamusuq maasuqay.

Sunday June 23, 2024 - 17:44:50
Liibaan Jeexoow
Kadib Roobab saacado kooban ka da'ayay degmooyinka gobolka Banaadir ayay xaaqmeen waddooyin laami ah oo bilo yar ka hor ay dhistay dowladda Federaalka.
Illaa sedax waddo oo dayactirkooda uu xarigga ka jaray Guddoomiyaha gobolka Banaadir ugu magacaaban dowladda Federaalka ayaa la arkay iyagoo burburay.

Sawirro lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay biyaha roobka oo si fududu ku qaaday laamigii iyo carradii jaayga ee lagu dhisay waddooyinkan oo dowladdu sheegtay in ay lacago malaayiin dollar ah ku dhistay.

Dadka isticmaala baraha bulshada ayaa sheegay in DF-ka ay musuq maasuqday dhismaha waddooyinka islamarkaana lacagihii loo qoondeeyay dhismaha waddooyinka kala bar laleexsaday.

Sanad walba marka ay roobabku ka da'aan degmooyinka gobolka Banaadir waxaa banaanka usoo baxday fadeexadda dhanka musuq maasuqa ah ee uu u kaco ninka DF-ka ugu magacaaban guddoomiyaha gobolka.

Related Items

Update cookies preferences