Guddoomiyihii hore ee deegaannada Ceelasha Biyaha iyo Lafoole oo Muqdisho lagu dilay.

Sunday June 02, 2024 - 12:08:26
Liibaan Jeexoow
Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa howlgal qorshaysan oo dagaalyahannada Al Shabaab ay ka fuliyeen mid kamida degmooyinka gobolka Banaadir.
Xoogag hubaysan ayaa xalaya degmada Dharkeynley ku dilay Mukhtaar Nuur Geeseey oo ahaa guddoomiyihii hore ee deegaannada Ceelasha Biyaha iyo Lafoole ee duleedka Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa sheegay in rag hubaysan ay guddoomiyaha ka toogteen qeybaha sare ee jirka kadibna uu isla goobta ku qurbaxay.

Dilalka ka dhanka ah askarta iyo saraakiisha dowladda ayaa bilihii lasoo dhaafay intabadan degmooyinka gobolka Banaadir.

Related Items

Update cookies preferences