Qaabkee ayay Maxkamada Raddul Madaalim ku soo afjartay muran ka taagnaa boosas ku yaalla degmooyinka qaar ee magaalada Muqdisho [dhageyso].

Sunday December 05, 2021 - 17:02:34
Liibaan Jeexoow
Maxkamada Shareecada Islaamka ee Radul Madaalim qeybteeda gobolka Banaadir ayaa fulisay xukuno Islaami ah oo dhowr ah kuwaas oo lagu kala xukumay dhulal iyo boosas ay isku haysteen dad Muslimiin ah.

Dhulalkan iyo boosaskan oo ku yaalla Magaalada Muqdisho iyo duleedyadeeda wuxuu dhageysigeeda uu socday dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay.

Maxkamada Radul Madaalim ayaa xukuntay 11 gal dacwadeed kuwaas oo dadkii isku haystay dhulalkaas loogu kala xukumay si waafaqsan shareecada Islaamka.

Hadaba waxaan idiin soo gudbin doonaa xukunadii ay riday Maxkamada Radul Madaalim, waxaad imika kusoo dhawaataan xukunkii 5aad oo laga soo saaray dhul muddo dheer lagu muransanaa oo ku yaalla degmooyinka Huriwaa, Wadajir iyo Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

halkan ka degso xukunka 5aad MP3
ama ku dhageyso Facebook

Related Items

Update cookies preferences