Shaqaalaha Tigreega ee ka howlgala Ethiopian Airlines oo iska Dhiibaya Caalamka Iyagoo ku Dhuumanaya Diyaaradaha ay ka Shaqeeyaan

Tuesday February 01, 2022 - 17:14:08
Waxa sii soconaya Beegsiga Dowlada Itoobiya ay ku heyso dadka kasoo jeeda qowmiyada Tigreega, tan iyo wixii ka dambeeyey markii Dagaaladu ka qarxeen Waqooyiga Wadankaasi 3dii bishii Novembar ee sanadkii 2020.

Arintan ayaa si weyn usoo shaac baxday wixii ka dambeeyey markii xukumada Abiy Axmed ay xaalad deg deg ah kusoo rogtayguud ahaan dalka bishii Novembar, kolkaas oo la sheegay in si toos ah ay u bilowday ugaarsiga dadka Tigreega ah, kuwaas oo qaarkood la dilay qaarna xabsiyada la dhigay halka kuwa kalana ay bilaabeen inay naftooda la baxsaan.

Dadka ay sameysan arintan waxa kamid ah Shaqaalaha Diyaaradaha Itoobiyaan Airlines ee kasoo jeeda qowmiyaga Tigreega, kuwaas oo naftu baday inay wadanka ay isaga cararaan iyagoo ku dhuumanayaa Diyaaraha ay ka shaqeyaaan.

Shabakada Wararka ee CNN ayaa qortay in 2 kamid ah Shaaqaalaha Itoobiyaan Airlines ay ku dhuunteen diyaarad ay ka shaqeynayeen oo ka duushay Magalada Adis ababa kuna sii jeeday Wadanka Biljimka, kadib hanjabaado uga yimid xukuumada Itoobiya ayna ku qasbanaadeen in talabadaasi ay qaadaan

"Waxan qaadanay go'aan halis ah, sababtoo ah ma heysan wado kale, kuma noolaan karin Addis Ababa, waxaa noola dhaqmayey sidii argagixiso." ayuu CNN u sheegay mid kamid shaqaalaha diyaradaha itoobiya Airlines ee u baxsaday wadanka Biljimka.

Waxa uu intaa ku daray in 4 kamid ah qoskiisa ay dileen Ciidamada itoobiya halka qaar kale oo Qaraabadiisa kamid ahna ay ku xiran yihiin xabsiyo ku yaala Gobolka Cafarta, sababta kaliya ee loo beegsadayna ay tahay inay kasoo jeedaan Qowmiyada Tigreega.

2 ruux oo kale oo iyagana ka shaqeynayey Diyaaradaha Itoobiyaan Airlines ayaa sidoo kale u baxsaday Wadanka Mareykanka, kadib markii ay ku dhuunteen Diyaaradii ay ka shaqeynayeen sida lagu sheegay Warbixinta CNN.

Tan iyo markii Dagaaladu ka qarxeen Waqooyiga Itoobiya waxaa isa soo tarayey edeymaha loo jeedinayo nidaamka Abey Axmed ee ku aadan Beegsiga iyo heyb sooca ka dhan ah qowmiyada Tigreega, maadaama Mucaaradka kasoo jeeda qowmiyadaasi ay dagaal xoogan la galeen Xukumada Wadankaasi.

Related Items

Update cookies preferences