Duullaanka Ruushka ee Bariga Yurub oo saameyn dhaqaale reebay [Warbixin].

Wednesday March 16, 2022 - 12:21:13
Liibaan Jeexoow
Hardanka udhaxeeya Reergalbeedka iyo Ruushka ayaa saameyn dhaqaale oo aad u ballaaran ka geystay guud ahaan daafaha caalamka arrinkaas oo hadal heyntiisa laga dareemayo suuqyada maaliyadda.

Guud ahaan caalamka waxaa laga dareemayaa saameynta ka dhalatay dagaalka ka soconaya dalka Ukraine ee dhexmaraya Ruushka iyo Ukraine, kaasoo galay maalintii 18-aad, welina aaney jirin ifafaalo muujinaya in muda dhow uu soo afjarmi doono dagaalkaas.

Marka laga soo tago in dagaalka Ukraine ku dhinteen dad farabadan, sidoo kalena guryahooda ka barakaceen malaayiin ruux, waxaa saameynta dagaalkaasi laga dareemey wadamada caalamka, maadaama hadda lagu tiryo aduunka inuu la mid noqday hal magaalo oo kale.

Quutul daruuriga ugu weyn ee laga isticmaalo dunida waa qamadiga, qamadiga ugu badan caalamkana wuxuu kasoo go’aa beeraha ku yaala Ruushka iyo Ukraine, sidaasi darteed dagaalka Ukraine wuxuu saameyn muuqata oo laga dareemayay guri kasta ku yeeshey caalamka.

Dalka Ruushka waxaa lagu tiriyaa inuu yahay dalka ugu ballaaran ee caalamka u dhoofiya qamadiga, sanadkii 2019-kana waxaa la diiwaan geliyay in Ruushku u dhoofiyay caalamka qamadi dhan %18.4 guud ahaan qamadiga loo dhoofiyay caalamka, taasoo dhan adduun lacageed oo gaaraya 8.1 bilyan oo dollar.

Ukraine, waxay Iyana kaalinta shanaad kaga jirtaaa dowladaha caalamka ee dhoofiya qamadiga, %7 guud ahaan qamadiga loo dhoofiyo caalamkana waxay ka yimaadaan Ukraine, qiimo ahaanna waxaa lagu qiimeeyay 3.1 bilayn oo dollar.

Tani waxay ka dhigantahay in 25% guud ahaan qamadiga loo dhoofiyo caalamka uu ka yimaado wadamada Ruushka iyo Ukraine, si kale haddii loo micneeyana afar meelood hal meel wuxuu qamadiga caalamka kasoo go’aa wadamada Ruushka iyo Ukraine.

Marka laga hadlo dowladaha ugu badan caalamka ee dhoofsada Qamadiga, bulshada kunoolna ku xiranyihiin waxaa kaalinta koowaad soo galaya dalka Masar, kaasoo soo dhoofsada 10.6% guud ahaan qamadiga caalamka, taasoo ka dhigan 4.6 bilyan oo dollar, sida la diiwaan geliyay sanadkii 2019-ka.

Tani waxay ka dhigantahay in dowladaha kale ee caalamka, tiro ahaanna dadkoodu ka badanyihiin dadka ku nool wadamada caalamka Islaamka iney leeyihiin isku filnaansho gudaha, iyaguna ay soo saartaan quutul daruudiga ay cunaan oo uu ugu weynyahay qamadiga.

Marka laga hadlo suuqyada ay ku tiirsanyihiin dowladaha carbeed ee aan soo tilmaamnay, marka laga hadlayo soo dhoofsashada qamadiga, waxay suuqyada Ruushka iyo Ukraine soo galayaan kaalmaha koowaad iyo labaad.

wadamada dhaca mandiqadda khaliijka ee hodonka ku ah shidaalka ayuu cirka isku shareeray qiimaha lasiisto cuntada sababtoo ah raashinka ay cunaan bulshada khaliijka ayaa ubadan kuwa lagasoo dhoofin jiray mandiqadda ay hadda dagaalladu ka socdaan.

dowladaha carabta oo dadkoodu aad ugu tiirsanyihiin qamadiga ma sameysan mashaariic ay uga dabaal karaan haddii ay musiibo timaado, tusaale ahaan 30% qamadiga caalamka waxaa laga keeni jiray ruushka iyo jamhuuriyadihii uu gumeysan jiray oo ay kamid yihiin ozpakistan,qarqistaan,Yukreyn iyo meelo kale waxaana badeecadahaas lagasoo gudbin jiray badda madoow ee loo yaqaan Black Sea, badda Azoof iyo badda qazwiin dhammaan badanahan marinka muhiimka u ahaa socodka qamadiga waxaa hadda ka taagan colaad saameyn xun reebtay.
cod

Tani waxay ka dhigantahay in saameynta dagaalka uu Ruushka kaga jiro Ukraine laga dareemayo inta badan guryaha qoysaska carbeed ee kunool wadamada caalamka, maxaa yeeley Ukraine dagaal ayaa ka soconaya, wayna adagtahay in si fudud looga keeno qamadiga, maxaa yeeley beeraleydii qamadigaas beeri lahaydba waa kuwa dhintey, ama qaxay, ama ku nool dhulka hoostiisa sababo ku aadan duqeymaha iyo dagaallada dalkooda ka soconaya.

Ruushkana, inkastoo dalku nabad yahay dagaallana aaney ka jirin, hadana waxaa saameyn adag oo muuqata ku yeelanay cuna qabateynnada xaga dhaqaale ee ay kusoo rogeen dowladaha reer galbeedka siiba Maraykanka.

Ruushka ayaa hadda isagoo cadaadis saaraya caalamka wuxuu sheegay in si kumeel gaar ah uu u hakiyay dhamaan qamadigii uu u dhoofin jirey caalamka, Butin ayaana ku hanjabay in cunaqabateynnada lagu soo rogay dalkiisa uu sabab u noqon doono in sicir barar aan horey loo arag uu ku dhufto caalamka.

Waxa loogu yeero hay’adda beeraha adduunka ee FAO ayaa war ay soo saartey waxay ku sheegtay in la filayo in qiimaha cuntooyinka daruuriga ee caalamka uu ku yimaado koror dhan 20% , sababo ku aadan loolanka ka soconaya dalka Ukraine.

Dowlado badan oo dhaca qaaradda Yurub ayaa iska diiday in ay ka qeyb qaataan cunaqabateymaha dhaqaale ee reergalbeedku uu kusoo rogay dalka ruushka sababa laxiriirka shucuubtooda oo aad ugu tiirsan badarka iyo qamadiga ruushku soo saaro.

go’aannadan ay qaateen dowladahan Yurubta galbeed dhaca ayaa banaanka soo dhigaysa sida ruushku uu uyahay awood aan ladhayalsan Karin oo saameyn ku leh nololsha malaayiin qof reergalbeed ah.

Hay’adda ayaa sheegtay in Ruushka iyo Ukraine ay yihiin dowladaha ugu badan ee caalamka u iib geeyo dalagyada daruuriga ah ee cuntada, iyo sidoo kale saliidda lagu kariyo cunnooyinka, sidaas darteed haddii dagaalka Ukraine uu sii socdo uu caalamka ka dhici doono sarakac ballaaran.

FAO ayaa ugu baaqday dowladaha kale ee caalamka, islamarkaana soo saara qamadiga inaaney culeesyo horleh kusoo rogin dhoofinta qamadiga, taasoo sii kordhin karta sarakaca balalaran ee hadda laga dareemayo cuntada.

Iyadoo laga cabsanayo in muda dheer uu sii socda dagaalka Ukraine, ayay dowlado badan oo kamid ah caalamka waxay diideen iney caalamka u iib geeyaan qamadiga, taasoo saameyn ku keeni karta wadamadooda, waana mid kamid ah asbaabaha sii laba jibaarey qiimaha qamadiga.

Dowladaha qaar ayaa hadda qaadaya tallaabooyin ay kusoo iibsan karaan qamadi badan, si ay keyd uga dhigtaan, haddii uu sii socda dagaalka Ukraine.

Dalka Ciraaq ayaa xukuumadda ka jirta waxay sheegtay iney u qoondeeysay lacag dhan 100 malyan oo dollar, in lagu oo iibiyo 3 malayn oo tan oo qamadi ah, si loo keydiyo, haddii dagaalka Ukraine aan xal dhow laga gaarin.

Masar ayaa qaaday tallaabo taas lamid ah, hay’adda cuntada ee dalkaas ayaana war ay soo saartey waxay ku sheegtay in Ruushka ay kasoo iibstay 180 malyan oo tan oo qamadi ah, taasoo ay hay’addu sheegtay iney qeyb ka tahay qorshaha ay wasaaradda beeraha ku keedsaneyso qamadiga, si aaney macluuul uga dillaacin dalkooda, haddii uu sii socda dagaalka Ukraine.

Maamulka Aala-Sucuud ayaa dhankiisa war uu soo saarey wuxuu ku sheegay in la dedejinayo dufacadii lixaad keydad qamadi ah oo uu maamulku kasoo iibsaday wadamo dhaca Yurub, taasoo qeyb ka ah ololaha lagu keydinayo qamadiga, si looga hortago in dagaalka Ukraine uu saameyn adag ku yeesho dadka ku nool dhulka Xarameynka.

Dadka ka faallooda arimaha dhaqaalaha iyo ganacsiga ayaa tilmaamaya in culeeska hadda laga dareemayo guud ahaan caalamka ee la xiriira sarakac cunnada daruuriga ah ay keeneyso iyadoo xitaa bulshooyinka qaar gaar ahaan dadka wax heysta ay suuqyada kasoo iibsanayaan cunnooyin aad u badan, si ay u keydsadaan.

Tani ayaa ka dhigan culees horleh, sidaasi dartteed waxaa lasoo jeedinayaa in laga hortago in ganacsatu keydsadaan cunnooyin suuqa looga baahanyahay ama xitaa qoysaska wax heysta ay keydsadaan wax ka badan baahidooda billaha ama maalinla ah.

Soomaaliya oo kamid ah wadamada dhaca qaaradda Africa, kana dhisenyn dowlad awood leh oo ka fakarta masaalixda dadka ayaa bulshada kunool waxay aad ugu tiirsantahay badeecadaha kala duwan ee laga soo dhoofiyo caalamka.

Quutul daruuriga laga isticmaalo dhamaan guryaha Soomaalidu ku noolyihiin waxaa laga keenaa dalak dibadiisa, marka laga soo tago dad aan sidasi usii badneyn, oo isticmaala quutul wadaniga.

Waxaa sidoo kale aad u yar beeridda dalagyada muhiimka ah sida Mizagada, Galleyda, Digirta iyo wixii lamid ah, taas bedelkeedana inta wax beerata waxay badankood ku mashquuleen waxyaabo aan daruuri ahayn sida Sisinta, kuwaasoo noqon kara oo keliya Iidaan ama kamaaliyaad, balse aan ahayn cunno daruuri ah oo ay dadku ku noolaan karaan.

Wallow hadda dalka ay ka jirto abaaro saameysay dadka iyo duunyada, hadana waxaa laga rajo weynyahay in Allaah uu noo di’iyo roobka Guga, dadkuna waxaa la gudboon in roobka ay ka faa’ideystaan, oo ay abuurtaan dalagyada daruuriga u ah nolosha bulshada.

Dagaalka maalmaha kooban socda ee wadanka Yukreyn ayaa banaanka soo dhigay in waxbeerashadu ay muhiim u tahay bulshooyinka sababtoo ah labadan dowladood ee hadda hardamaya oo aan dhaqaale badan laheyn ayaa saameyn ku lahaa boqolaal malyan oo ruux kuwaas oo dhoofsan jiray badarka ay kasoo saaraan beerahooda.

qamadiga oo ah cuntada ay cunaan dadka ugu badan ee caalamka ayaa tacbashadiisa waxaa kasoo xarooda lacago boqolaal bilyan oo dollar ah wuxuuna noqday mid saameyn ku leh dhaqaalaha caalamka




Related Items

Update cookies preferences