Itoobiya Oo billowday in Korontada ay ka dhaliso biyo xireenka An-nahda, Sidey uga jawaabi doontaa Masar?

Wednesday March 23, 2022 - 12:12:26
Liibaan Jeexoow
Iclaamintii dowladda Itoobiya ay ku sheegtay in marxalad cusub oo dab dhalin ah uu galay biyo xireenka An-nahda, 20kii Febraayo ee aynu soo dhaafney, wuxuu ka dhignaa weji horleh oo uu yeeshey mashruucan Itoobiya u aragto billowga hormarkeeda, halka dowladaha uu maro webiga Niilna u arkaan inuu yahay halis kusoo korortay badqabkooda cuntada.
Inkastoo hadda Itoobiya ka shaqeysiisay oo keliya labo torbiin si dabka loo dhaliyo, toorbinnada lagu xirey biya xireenkana asal ahaantooda gaarayaan 13, hadana waxay tallaabadan Itoobiya uga dhigantahay ahmiyad weyn, maadaama ay qeyb ka tahay horumarka xagga dhaqaalaha ee uu dalkaas filanayo.

Marka laga hadlo aragtida istiraatiijiyadeed ee Itoobiya, uma aragto biyo xireenka An-Nahda mid koronto siinaya 112ka malyan ee kunool dalkaas, kuwaaso 60% oo kamid ah aaney wax koronto ah heysan, balse Itoobiya waxay u aragtaa in biyo xireenkan uu horseedi doono in ahmiyad Jiyoo siyaasi ay Itoobiya ku yeelato adduunka, kana soo galo mustaqbalka lacago culus oo lagu kala wado miizaaniaydda dowladda.

Warbixinno hore oo soo baxay waxay Itoobiya ku muujisay iney dooneysoi in mustaqbalka ay koronto siiso wadamada Africa, taasoo shaki la’aan haddii ay dhacdo kusoo celin doonto qasnadda Itoobiya balaayiin dollar oo sanadle ah.

Dowladaha ay fileyso Itoobiya in mustaqbalka ay koronto siiso waxaa kamid ah dowladaha dhaca bariga Africa, sida Kenya, Jabuuti, Tanzania, Suudaan iyo Koonfurta Suudaan, kuwaasoo aan heysan koronto ku filan.

Haddii ay tallaabadaas ku guuleysato Itoobiya, waxay uga dhigantahay in saameyn xaga Jiyoo siyaasiga ah ku leedahay wadamadaas, keliyana aanu faa’ideynin lacago, maxaa yeeley korontada waxay daruuri u noqon doontaa guryaha, goobaha shaqada, xarumaha waxbarashada, iyo tallaabo weliba oo ay bulshadu qaadeyso, taasina waxay u damaanad qaadeysaa Itoobiya in saameyn ay ku yeelato dalalkaas, aadna looga qadariyo mawaaqifteeda, ahmiyadda arinkaasna waxaan ka fahmi karnaa sida hadda Ruushku uu ugu cadaadinayo dowladaha reer Yurub naftada uu dalalkaas u iib geeyo.

20-kii February, ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abey Axmed ayaa ku dhawaaqay in biyo xireenka An-Nahda uu billabay inuu koronto dhaliyo, arinkaas ayuuna sheegay in war farxadeed uu u yahay bulshada Itoobiya oo uu sheegay in 60% aaney weligood arkin nal ku shaqeeyo koronto.

Wuxuu intaa sii raaciyay in tallaabadan ay sidoo kale farxad u tahay hooyooyinka waayeellada ah ee uu sheegay in dhabarka ay ku xambaaraan xaabada, si ay dab u dhaliyaan.

Marka laga soot ago talaabooyinka burotakoollada ee lagu iclaamiyay dab dhalinta biyo xireenka An-nahda, waxay xaqiiqadu tahay in tallabadaas ay dan shakhisyadeed ugu jirto ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abey Axmed oo wajahaya mowjado culeesyo gudaha iyo dibaddaba ah.
Warbaahinta Itoobiya ayaa dadaal ballaaran ku bixisay in Abey Axmed u muujiso inuu yahay hogaamiye wadani ah, oo awood u leh inuu wajaho culeesyada iyo cadaadisyada uga imaanaya dibadda, kuwaasoo ay warbaahintu Itoobiyo sheegeyso iney beegsanayaan midnimada Itoobiya iyo danaheeda.

Siyaasiyiinta kasoo muuqanayay warbaahinta gudaha ayaa Abey Axmed uga mahadceliyay tallaabooyinka uu qaaday, inbadanna waxaa aad looga dheeraaday soo hadal qaadidda ra’iisul wasaarihii hore dalkaas Melles Zanawi, kaasoo kamid ahaa dadkii soo billaabay mashruuca biyo xireenka, taas ayaana lala xiriirinayaa loolanka adag ee u dhexeeya Abey Axmed iyo jabhadda TPLF oo uu aas-aasey Zanawi.

Waxay kaloo warbaahinta Itoobiya u adeegsatay tallaabada korontada looga dhalinayo biyo xireenka An-nahda, iney rajo ballaaran ku geliso malaayiinta Itoobiyaanka ah ee ka quustey nolosha, kuwaasoo loo sheegayo in haddii mashruucan hirgalo uu dalku ku tallaabsan doono horumar ballaaran oo xaga dhaqaalaha.

Durba safiirka Itoobiya u fadhiya Kenya ayaa sheegay labo maalin kadib ku dhawaaqitaanka Abey ee dab dhalinta biyo xireenka, iney kala hadleen xukuumadda Nairoobi sidii labada dal ay isku dhaafsan lahaayeen dabka.

Ahdaafta iyo danaha kale ee Abey Axmed shakhsiyad ahaantiisa ugu jirta biyo xireenka An-nahda waxaa kamid ah in jabhadda gudaha lagu feeliyo ra’iisul wasaaraha, ku dhawaaqidda ayaana timid xilli xaalad adag ay ka jirto dalka, dhinacyada siyaasaduna is diidanyihiin.

Baarlamaanka Itoobiya ayaa soo saaray qoraal uu kusheegayo in la dhisay gudi qaabilsan wadahadallada dhinacyada siyaasadda, si loo gaaro midnimo qaran oo ay yeesheen dhinacyada is diidan ee dalka.

Dhinacyada ka faallooda siyaasadda Itoobiya ayaa baciidsanaya in axsaabta Itoobiya iyo jabhadaha is diidan ay si fudud ku kulmaan, heshiisna ku gaaraan, maadaama sida muuqata maslaxadda jabhad weliba ay uga dhigantahay jabhadda kale khasaare iyo dib u dhac, sidaas darteed kuma guuleysan doono Abey Axmed wadahadallada qaran ee uu kudhawaaqay, kaasoo weliba ay ka maqanyihiin dhinacyada ugu muhiimsan mucaaradka oo ay kamid yihiin jabhadda xureynta Oromada, jabhadda Tigreega iyo kuwa kale.

Marka laga hadlo waqtiga uu ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abey Axmed ku dhawaaqay in biyo xireenka An-Nahda uu billaabay inuu dab dhaliyo, waxaa la dareemayaa in aad looga shaqeeyay towqiidka, laguna soo aadiyay xilli aduunku ku mashquulsanyahya dagaalka Ukraine ee uu Ruushku soo qaadey.
Dhanka kale, inkastoo ra’iisul wasaaraha Itoobiya uu ku tilmaamay dab dhalinta biyo xireenka An-nahda mid farxad u ah xitaa Masar iyo Suudaan, waxay laba dowladood tilmaameen diidmadooda qayaxan ee arinkaas la xiriira.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda arimaha dibadda ee Masar waxay ku sheegtay in Itoobiya ay sii wado jebinta heshiiskii laga gaarey biyo xireenka sanadkii 2015-ka.

Hadalkaasi mooye, Masar ma heysato tallaabooyin kale oo ay ku cadaadin karto Itoobiya, wadada ugu roon ee ay wax un rajo ah ka qabtana waa wadahadalka uu ku baaqey ururka midowga Africa.

Siisi ayaa rajo ka qaba in gudoomiyaha cusub ee midowga Africa oo ah madaxweynaha Sinigaal uu ka roonaado kuwii isaga ka horeeyey, dareemana waxa gubaya Masar, sidaasi darteed bilihii tagay ugu yaraan 3 jeer ayuu la kulmey, arimaha ay ka wada hadleenna waxaa qeyb ka ahaa biyo xireenka An-nahda.

Marka laga hadlo Suudaan, raddu ficilkeedu kama duwaneyn kan ay qaaday dowladda Masar, waxaana gudiga qaabilsan wadahadallada biyo xireenka An-nahda ee Suudaan uu soo saaray bayaan uu kusheegay in Itoobiya ay jebisay qodobadii horey loogu heshiiyay.

Inkastoo bayaankan uu lahad kulul ku qornaa, hadana mowqifka Suudaan ay taagantahay waa mid taag daran, waxayna Al-Khardhuum lugaha kula jirtaa loolan aan dhamaad lahayn oo gudaha ah, iyadoo dhaqaalaha dalkana uu aad hoos ugu dhacay, taasina waxay yareyneysaa awoodeeda la xiriirta iney qaadato go’aanno wax ku ool ah, marka laga hadlayo arinta biyo xireenka An-nahda.

Sidoo kale, ku dhawaaqidda Itoobiya ee ah in biyo xireenka AN-nahda uu dab dhalis billaabay, waxay kusoo aadey iyadoo madaxda milliteriga Suudaan ay wajahayaan culeesyo xagga dibadda ah, oo ay ugu weyntahay cadaadis uga imaanaya Maraykanka, iyadoo weliba masuuliyiinta qaar ee milliteriga laga cabsi qabo in lagu soo rogo cunaqabateynno gaar ah.

Marka la isku geeyo culeesyadaas heysta Suudaan, si lamid ah Masar, iyaduna ma heysato khiyaar aan ka ahayn in markale ay ku baaqdo wadahadal ay la yeeshaan Itoobiya, kaasoo ah go’aan aanu waxba ku khasaareynin Masar, Itoobiyana ka xanaaqeynin.

Gebegebadii, ma ahayan ku dhawaaqitaanka Itoobiya in biyo xireenka An-nahda uu dhaliyay koronto mid mufaaja’o ah, balse wuxuu qeyb ka ahaa siyaasadda ay Itoobiya sanadihii lasoo dhaafey qaadyesya oo la xiriira in xaqiiqooyinka ay kasoo muujiso waaqica, markaasoo lagu qasbanyahay in la qaato.

Diraasadan waxaa ka qoray machadka Diraasaatka Aljazeera.


Related Items

Update cookies preferences