Dowladda Kenya oo qarineysa ciidankeeda ku la'anaya Soomaaliya! [Warbixin].

Wednesday March 23, 2022 - 12:47:17
Liibaan Jeexoow
Warbixin cusub oo uu daabacay wargeyska Star ee kasoo baxa dalka Kenya ayuu kaga hadlay dhiig baxa ciidamada Kenya ku heysta gudaha Soomaaliya, halkan oo ay kual kulmayaan weeararo joogta ah oo uga imaanay Xarakada Al-Shabaab.
Joonson Ooli waa askari kamid ahaa ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya, waxaa lagu aasay isaga oo wata billad sharafeedka milliteriga gurigiisa oo ku yaala Kenya, kadib markii miino ay kual qaraxday Soomalaiya, milliteirga dalka iyo xitaa dowladana weli lagama helin ictiraaf rasmi ah oo ku aadan geeridiisa.

Askarigan oo 35 sano jir ah, waxaa qarax miino lagula dilay 9 kamid ah saaxabadiisa, kuwaasoo gaari ay saarnaayeen lala beegsaday qarax aad u culus, waxaana dhiigabaxa ku socda ciidamada Kenya uu sii xoojinayaa dalbashada muwaadiniinta Kenya ee ku aadan in wiilashooda laga soo saaro Soomaaliya oo ay ka dagaallamayaan tan iyo sanadkii 2011-da, sida ay tilmaameyso warbixinta lagu daabacay wargeyska Star.

Ka aamusitaanka dowladda Kenya ay ka aamuseyso ciidamada looga dilo Soomaaliya ayaa noqday dhaqan rasmi ah iyo usluub ay joogteeyeen laamaha dowladda, waxaana tani ay rajo beel usoo jiiday muwaadiniinta Kenyaatiga oo tilmaamaya in wiilashooda dhiigooda hadur laga dhigay.

Nin la dhashey askariga Kenyaatiga ee dhawaan lagu dilay Soomaaliya oo ay soo xiganeyso warbixinta Star ayaa tilmaamay in wax laga xumaado ay tahay in wiilashooda ay ku la’daan dagaalka ka holacaya Soomaaliya, isagoona soo jeediyay muhiimadda in lagu soo celiyo dalka.

"Imisa ayay la egyihiin tirada wiilasha dhalinyarada ah ee ku dhiman doona Soomaaliya, kahor inta aan wiilasheena lagu soo celin dalka, imisa qoys ayaa u dulqaadan doono muragada ay leedahay xubno kamida h qoysaskooda oo ku dhinta Soomaaliya oo ah dhul naga fog, hadiiba ay dhimanayaan caruuteena waa iney ku dhintaan gudaha dalkooda, iyagoo difaacaya xuduudeena” ayuu yiri Dr Juwiil Ooli oo la dhashey askariga lagu magacaabo Joonson Ooli oo dhawaan lagu dilay Soomaaliya.

Boqolllaal ruux oo kamid ah dadka deegaanka, kana soo qeybgalay aaska askariga kenyaatiga ah ayaa wejiyadooda laga dareemayay murugo xoogan, waxaana naxashka lagu siday askariga lagu dabooley calanka Kenya, iyadoona lagu aasey kabihiisa, tuutihiisa iyo xitaa garaadooyinka caskari ee u saarnaa.

Xaaska uu ka dhintay askariga oo goobjoog ahayd goobta ayaa baroor afka jabsatey, markii goobta laga akhriyay farriin isa sabarsiin ah oo ay iyadu qortey markii uu soo gaaray khabarka dilka ninkeeda.

" Aniga iyo caruurtaadaba waan ku tabi doonnaa, waxaan tabi doonnaa dhoolacadeyntaada quruxda badneyd, waxaad ahayd waxa ugu wanaagsan ee nolosheyda qeybta ka ahaa, weligeyna cidlo iigama tagin” ayay tiri xaaska askariga lagu magacaabo Joonson oo dhawaan lagu dilay qarax ka dhacay Soomaaliya.

Mid kamid ah saaxiibada askarigan oo ay iskala tirsanaayeen ciidamada, kana soo qeybgalay aaska ayaa 21 xabadood oo rasaas ah kor u ridey, taasoo argagax ku riday dadkii kasoo qeybgalay aaska, wuxuuna sheegay in tan iyo markii uu billowday duulaanka Soomaaliya ee Kenya ay qoysas badan waayeen caruurtooda.

Mid kamid ah odayaasha da’da ah ee tuulada uu kasoo jeeda askarigan lagu dilay Soomaaliya ayaa goobta hadal ka jeediyay, waxaana uu is waydiiyay waxa keenaya in ciidamada Kenya sii joogaan Soomaaliya, marba haddii ay isaga soo baxeen ciidamada Maraykanka.

" Hadiiba Maraykanku kasoo baxay Soomaaliya, oo anagu maxaan nahay si aan usii joogno Soomaaliya. Aad ayaan uga xumahay dhamaan dhalinyarada Kenyaatiga ah ee ku dhintay Soomaaliya, waxaana la gaaray waqtigii ugu haboonaa ee ay ciidamadeenu kasoo bixi lahaayeen Soomaaliya, kuna hakan lahaayeen xuduuda” ayuu yiri waayeelkan Kenyaatiga ah ee kasoo qeyggalay aaska askariga Kenyaatiga ah.

Dadka Kenyaatiga ah ayaa tilmaamaya in wax laga xumaado ay tahay in laga aamuso marka ay ciidankooda ku dhintaan Soomaaliya, arintaas ayayna sheegeen iney muujineyso sida dowladda Kenya aaney u ixtiraameynin askarteeda ku dhimata dagaalka Soomaaliya.

Kumanaan askari oo kamid ah ciidamada Kenya ayaa la rumeysanyahay in lagu dilay Soomaaliya tan iyo sanadkii 2011-ka, weerarkii Ceelcadde oo keliya ayaana la xaqiijiyay in lagu dilay 200 oo askari, illaa iyo hadana dowladda Kenya kama hadlin tirada rasmiga ah ee ciidankeeda lagu dilay Soomaaliya, mana sheegin sababta rasmiga ah ee ay arinkaas u qarineyso.

Jeemis Ooli oo isna ah siyaasi xilal kasoo qabtay dowladda Kenya, ahna nin la dhashey askariga lagu dilay Soomaaliya ee uu wargeysku warbixinta ka qorey ayaa goobta ka jeediyay hadal caro leh, wuxuuna yiri " anagu waan ognahay inaad na difaaceysay, marka maxay tahay sababta aan u qarineyno ciidankeena marka lagu dilo furimaha dagaalka”.

Mar uu la hadlayay warbaahinta dalka Ingiriiska ayuu sheegay in loo baahanyahay in baarlamaanka dalka Kenya uu fadhi ka yeesho ciidanka ka jooga Soomaaliya, istiraatiijyad cad oo qeexeysa waqtiga kama dambeysta ah ee ay kasoo baxayaan Soomaaliyana la qeexo.

" Waxaan u baahannahay inaan dib u eegis ku sameyno istiraatiijiyadda ciidankeena jooga Soomaaliya, suuragal ma ahan in howlgalku noqdo mid furan oo aan waqti lahayn, waxaana yaqiin ahaan u aaminsannahay inaan u dulqaadan Karin in wiilasheena ay kusii la’daan dagaalka halkaas ka socda” ayuu yiri siyaasigan Kenyaatiga ah oo la hadlay warbaahinta BBC-da ee ay leedahay dowladda Kenya.

Todobaadkii tagay, waxaa baraha Internetka ee ay ku kulmaan dadka Kenyaatiga ah hareeyay caro xoogan, kadib markii dowladda Maraykanka ay maamustay saddex askari oo Kenyaati ah, kuwaasoo ay sheegtay in lagu dilay howlgalkii Manda Bay, horeyna dowladda Kenya uma sheegin askar kamid ah ciidankeeda oo lagu dilay Soomaaliya.

2011-kii ayay dowladda Kenya ciidankeeda gudaha usoo galeen Soomaaliya, iyagoo taageero iyo ballanqaadyo dhalanteed ah ka helaya dowladaha reer galbeedka oo ay horboodayaan Maraykanka iyo Ingiriiska.

11 sano oo laga joogo duulaankaas, illaa iyo hadda ma xaqiijin wax kamid ah hadafkii ay sheegteen iney usoo duuleen ciidamada Kenya, dhulka ay Kenya heysatana waxaa gudaha u galay jabahaad hubeysan oo katirsan Xarakada  Al-Shabaab.

Marka laga hadlayo xaaladda ciidanka Kenya ee jooga Soomaaliya waa askar ku owdan xeryaha ay ku suganyihiin, mana awoodaan in si fudud ay isku gaarsiiyaan saanadda iyo cuntada, marka ay isku dayaan iney sameeyaan dhaq-dhaqaaq Lojistika gudbin ahna waxay la kulmaan weeraro iyo qaraxyo uga yimaamada ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Related Items

Update cookies preferences