Machadka Tony Baller iyo Wadaada xumayaal iskaashanaya oo duulaan ku ah dhlinyarada Muslimiinta [Warbixin].

Thursday July 07, 2022 - 10:49:41
Liibaan Jeexoow
Waxa loogu yeero iskaashiga culimada caalamka Islaamka iyo machadka Tonny Baller oo ah machad uu aas-aasay ra'iisul wasaarihii hore ee dalka Ingiriiska ayaa gaaray heshiis rasmi ah, kaasoo ujeedkiisu yahay in lagu baadiyeeyo tobanaan kun oo kamid ah dhalinyarada muslimiinta.
War kasoo baxay waxa loogu yeero culimada iskaashiga caalamka Islaamka ayaa lagu sheegay iney heshiis wada shaqeyn iyo iskaashi la saxiixdeen machadka isbedel doonka caalamiga ee Baller, kaasoo qorshihiisu yahay in 100 kun oo kamid ah dhalinyarada muslimiinta lagu baro waxa loogu yeeray Fakarka iyo Naqdinta, taasoo ka dhigan in looga hor istaago nusuusta sharciga ah, laguna riixo iney nusuusta mucaaradaan, oo ay ku eegaan caqli ku sheeg mutaxan.

Dhalinyarada sida gaarka ah loo beegsanayo, islamarkaana la doonayo in lagu siiyo dowraadkan duminaya caqiidada saliimka ah waxay da’doodu u dhexeysaa 13 illaa 17 sano, waxaana ay kasoo jeedaan 18 dowladood oo kamid ah dowladaha caalamka Islaamka.

Sida lagu sheegay bayaanka kasoo baxay waxa loogu yeero iskaashiga culimada caalamka Islaamka, horudhaca mashruuca waxa uu noqon doonaa in la tababaro oo siminaaro la siiyo inkabadan 2400 oo macllimiin ah, kuwaasoo laga doonayo in markaas kadib ay madaarista iyo goobaha ay wax ka dhigaan ku diraaseeyaan manhaj qoran oo uu soo diyaariyay machadka Baller ee isbedel doonka ee caalamiga ah.

Waxaa macallimiinta la bari doonaa sida bayaanka lagu sheegay fakarka wax dhaliilista, kaaso oo ah in qofku aanu nusuusta sharciga ah isku dhiibin oo ay tahay inuu rog rogo caqli ahaan, waxaa sidoo kale la bari doonaa xiriirka caalamiga ah, si mahaaraatkaas ay ugu gudbiyaan ardeydooda.

Makra laga hadlo ujeedada guud ee mashruucan ballaaran, dhaqaalaha adagna lagu bixinayo, iskana kaashanayaan waxa loogu yeero iskaashiga culimada caalamka Islaamka iyo machadka uu dhisay ra’iisul wasaarihii hore ee Ingiriiska Tonny Baller, waa in la isku soo dhaweeyaa dadka heysta diimaha kala duwan, sidoo kalena maanka dhalinyarada lagu shubaa iney si naxriis iyo soo dhaweyn ku jirta ula tacaamulaan qof kasta oo aaminsan waxaan ahayn diinta Islaamka.

Qorshaha lagu doonayo in siminaaro dumiyana diinta Islaamka, afkaar munxarif ahna ku beeraya maanka dhalinyarada muslimiinta lagu faafiyo wadamada caalamka Islaamka, iyadoo weliba la beegsanayo dhalinyarada da’da ee soo koreysa wuxuu si gaar ah u beegsanayaa mawaadiic la xiriirta Taariikhda, Caqiidada iyo arimo kale, kuwaasoo ah arimo xasaasi ah, oo ay culimada muslimiintu adkeeyaan in la iska ogaado cidda laga qaadanayo iyo waxay tahay.

Dadka muslimiinta ah ee ku dhaqan caalamka Islaamka ayaa aad uga hor yimid tallaabadan iyo heshiiskan ay gaareen waxa loogu yeero iskaashiga culimada caalamka Islaamka iyo machadka Baller, waxayna sheegeen iney tahay tallaabo lagu duminayo caqiidada saliimka ah ee saxan.

Tonny Baller, oo ahaa ra’iisul wasaarihii dalka Ingiriiska intii u dhexeysay 1997-dii illaa 2007-dii ayaa ah nin ay ku fogaatay cadaawadda diinta Islaamka, wuxuuna horey u jeediyay hadallo uu si toos ah ugu weeraray muslimiinta iyo diintooda.

Hadallada ka diiwaan gashan oo laga hayo waxaa kamid ah in Islaamka uu ku tilmaamay inuu halis ku yahay guud ahaan caalamka, isagoo ku baaqaya in si adag loo wajaho oo laga hortago.

Isagoo ka qeybgalaya kulan ballaaran oo uu qabtay machad lagu magacaabo RUSI oo ka faallooda arimaha ammaanka ayuu sheegay Tonny Baller in loo baahanyahay in la iska kaashado sidii looga hortagi lahaa islaamka siyaasiga ah, oo uu sheegay iney xaqiiqo tahay inuu soo gaari doono Yurub iyo guud ahaan wadamada reer galbeedka.

Mid kamid ah wasiilooyinka lagu wajihi karo Islaamka wuxuu ku tilmaamay iney tahay in lasoo saaro aragti mideysan oo la dagaallameysa kana hortageysa guud ahaan fakarka Islaamka, gaar ahaan muslimiinta dooneysa iney dalalkooda ka taagaan dowlado islaami ah.

Aragtidaas uu qaba, fagaarayaashana uu kasoo jeediyay ayaa hadda waxay u muuqaneysaa mid uu Tonny Baller doonayo inuu dhaqan geliyo, isagoo juhdi iyo dhaqaaleba ku bixinaya in la bedelo maanka dhalinyarada muslimiinta, laguna shubo afkaar burineysa oo ka hor imaaneysa Shareecada Islaamka iyo usuusheeda.

Wuxuu sidoo kale Tonny Baller, ra’iisul wasaarihii hore ee Ingiriiska, ahna aas-aasaha machadka Baller ee isbedel doonak caalamiga ah ku suntanyahay sida uu Maraykanku ugu garab istaagay duullaannada uu ku qaaday wadamada Afqaanistaan iyo CIraaq, isagoona xilliga ay duulaannadaas dhacayeen ahaa ra’iisul wasaarihii dalka Ingiriiska.

Mid kamid ah duleellada waaweyn ee gidaarka caqiidada ee muslimiinta wuxuu ka imaanayaa dadka huwan magaca culimada, waxna ka bartay diinta islaamka, balse raalli ku noqday iney noqdaan buris lagu duminayo diinta Islaamka iyo usuusheeda.

Waxay dad badan oo muslimiin ah isweydiinayaan waxa keenaya in dad gaalo ah loo kaashado ama ay ka shaqeeyaan in dhalinyaro muslimiin ah siiyaan dowraad iyo siminaaro la huwiyay in lagu baranayo diinta Islaamka, balse ah caksiga arinkaas oo ah in lagu burburiyo diinta Islaamka.

Alle ha u naxriiste Al-Imaam Cabdullaahi binul Mubaarak oo kamid ahaa culimadii salafka ayaa isagoo gabaya wuxuu tilmaamaya in diinta Islaamka ay ku dheeleen boqorrada iyo culimada xun xun, kuwaasoo dantooda gaarka ah ee aduunyada u burburinaya tiirarka diinta Islaamka, iyagoo weliba garar leh, watana cimaamado ka dhigan labiska culimada, si loo khaldo caamada muslimiinta.

Halisyadan la maleegayo iyo weeraradan isdaba jooga ah ee lagu soo qaadayo diinta Islaamka waxay tilmaamayaan culimada Muslimiinta iney waajib kasii dhigeyso in dadka muslimiinta ah gaar ahaan dhalinyaradu bartaan diinta Islaamka, kana qaataan masaadirteeda rasmiga ah ee Quraanka iyo Sunnaha, iyadoo lagu fahmayo fahamka Salafka Ridwaanullaahi caleyhim.

Aqoonyahanka iyo haldoorka bulshooyinka muslimiintana waxay usoo jeedinayaan culimada muslimiinta iney masuuliyad iska saaraan faafinta mahajka saxan ee diinta Islaamka, si aaney fursado u helin afkaarta sumeysan ee lagu doonayo in lagu burburiyo diinta Islaamka, kuwaasoo ay iska kaashanayaan culimada sandareertada qaatey iyo dowladaha reer galbeedka duulaanka ku ah Islaamka iyo Muslimiinta.

Related Items

Update cookies preferences