Wax ka baro fadliga maalinta Carafo iyo ducada ugu wanaagsan ee la akhrsisto (Warbixin).

Friday July 08, 2022 - 06:14:25
Liibaan Jeexoow
Marka ay soo baxdo qorraxda aroorta sagaalaad ee bisha Dul Xijjah, waxay Xujjeyda gudaneysa waajibaadka xajka bilaabayaan iney aadaan banka Carafo, si ay u gutaan rukniga weyn ee Xajka, oo ah istaagidda Carafaat, kadib marka ay maalinka sideedaad oo ah maalinta Yowmu Tarwiyah kusoo qaataan Mina.

Maalinka Carafo, waa maalin weyn oo uu Allaah aqbalo ducada, sidooo kalena adoomihiisa u dhaafo dunuubta, waana maalinkii uu Alle dhameystirey diintiisa, muslimiintana u kaamilay nicmada, fadliga kusoo aroorey maalinkaas ee uu helayo qofka Xajka gudanaya iyo qofka aan gudaninbana waxaa kusoo aroorey adillo farabadan.

Maalinta Carafo, waa maalinta ugu badan uu Allaah adoomihiisa ka xureeyo Naarta, sida ku sugan Xadiith ay Caa’isho Radiyallaahu canhaa ka warisay Nabiga Salla-llaahu caleyhi wasallam " majirto maalin ka badan Carafo oo uu Allaah adoomaha ka xoreeyo Naarta, wuu soo dhawaanayaa Allaah, kadibna wuxuu ugu faanayaa Malaa’ikta, wuxuu leeyahay maxay doonayaan kuwan”. Oo uu ula jeedo dadka taagan Banka Carafo.

Musnadu Axmed, waxaa Xadiith ku yimid uu Rasuulka Salla-llaahu caleyhi wasallam ku yiri " Alle wuxuu ugu faanaa Ahlu Samaawaatka, dadka carafo taagan, wuxuuna leeyehy " fiiriya, kuwaasi waa adoomahey oo ii yimid iyagoo booreysan oo basaasan”.

Muwha’a Imaamu Maalik, kitaabka Al-Xaj, waxaa ku timid in maalinta Carafo oo ah maalinta sagaalaad ay tahay maalinta ugu daran ee uu dulleysanyahay Ibliiska, sababo ku aadan raxmadda Allaah oo waasac ah, iyo sida uu ugu dambiyo dhaafayo dadka adoomihiisa ah.

Fadliga ay leedahay maalinta Carafo waxaa kamid ah inuu Allaah SUbxanahau watacaala ku dhaartey maalinkan, Abuu Hureyra Xadiith uu ka wariyay Nabiga Salla-llaahu Caleyhi wasallam wxuu yiri " Maalinka lagu ballansanyahay waa maalinka Qiyaamaha, maalinka Mash-huudka ahna waa maalinka Carafo, shaahidkana waa maalinta Jimco”. Nabiga ayanaa fasirayay aayadda saddexaad ee suuratul Buruuj.

Carafo, waa maalinkii uu Allaah dhameystirey diintiisa, nicmatiisana uu noo dhameystiray. Nin Yahuudi ah ayaa maalin maalmaha kamid ah wuxuu u yimid Cumar binul Khadhaab, wuxuu ku yiri " Aayad aad akhrisaan, haddii ay nagu soo degi lahayd anaga oo Yahuud ah, waxaan maalintaas ka dhigan lahayn maalin Ciid ah”, markaas buu yiri " Waa aayaddee taas”. Wuxuu yiri waa aayadda :

"اليوم أكملت لكم دينكم وأتممت عليكم نعمتي ورضيت لكم الإسلام دينا"

Cumar wuxuu yiri " waan garannay maalinka iyo goobta ay aayadaas ugu soo degatay Rasuulka Salla-llaahu caleyhi wasallam, waxay ahayd maalin Jimco ah oo uu Rasuulku taagnaa Carafo.

Dhameystirka diinta wuu dhacay maalinkaas, sababtoo ah Allaah wuxuu muslimiinta u taam yeeley Arkaanta Islaamka, oo xilligaas ka hor Xaj maysan soo gudan, sidoo kalena Alle wuxuu baababi’iyay shirkiga iyo gaalnimada, oo ma jirin qof gaal ah oo sanadkaas soo xajiyay.

Dhameystirka Nicmadana, waxay ku dhacday inuu Allaah SUbxanahu watacaalaa u dembi dhaafay Mu’miniinta, nicmaduna maba dhameystiranto iyadoo Aadanaha dembi loo heysto.

Maalinka Carafo, waa maalin duco oo uu Allaah aqbalo baryada, Rasuulka Salla-llaahu caleyhi wasallam wuxuu yiri " ducada ugu wanaagsan waa ducada Carafo, waxa augu wanaagsan ee aan aniga iyo Anbiyadii iga horeeyye yiraahdeenna waa :

لا إله إلا الله وحده لا شريك له، له الملك وله الحمد وهو على كل شيء قدير

Asbaabaha Naxriista iyo dembi dhaafka maalinkaas waxaa kamid ah badinta Dikriga iyo ducada, gaar ahaan Towxiidka, maxaa yeeley waa asalka Islaamka, oo uu Allaah dhameystiray maalinka Carafo.

Rasuulka Salla-llaahu caleyhi wasallam wuxuu yiri " Soonka maalinka Carafo, waxaan Alle uga xisaabsanayaa inuu ku dhaafo dunuubta sanadkii hore iyo sanadka dambe”. Dhamaan maalmaha tobanka ah ee Dul Xijjah ayaana waxaa wanaagsan in la badiyo Acmaasha Saalixaadka ah.

Rasuulka Salla-llaahu Caleyhi wasalalm wuxuu yiri "Camal saalix ah oo la qabto ma jirto maalmo uu Allaah kaga jecelyahay maalmahan” oo loola jeedo tobanka hore ee Dul XIJJAH, Saxaabadu waxay yiraahdeen " Rasuulkii Allow, Jihaadka wadada Alle xitaa kawaran? Rasuulku wuxuu yiri " xitaa JIhaadka way ka fadli badanyihiin, marka laga reebo qof la baxay naftiisa iyo maalkiisa oo aan hal shey kala soo noqon mooye”.

Maalinka Carafo, waxay Xujjeydu gutaan ruknig ugu weyn ee Xajka, kaasoo ah iney istaagaan banka, micnaha istaagana loolama jeedo iney taagnaadaan, balse waa iney goobtaas soo xaadiraan, haddii banka Carafo aanu xaajigu istaaginna waxay ka dhigantahay in Xajkaasi aanu ansax ahayn.
Acmaasha saalixa ah ee la jideeyay maalinkaas waxaa kamid ah iney soomaan dadka aan Xajka gudaneynin, ammaa Xaajiga uma haboona inuu soomo, sababtoo ah waxaa la doonayaa inuu awood u helo gudashada acmaasha Xajka, waxaana la sunneeya in xaajigu tukado salaadaha duhur iyo casirka, isagoo jamcinaya islamarkaana gaabinaya, wuxuuna tukanayaa waqtiga salaadda duhur.

Waxyaabaha kale ee la jideeyo waxaa kamid ah Takbiirta, culimadana waxay tilmaameen iney labo nooc tahay, takbiir furan oo la doonayo in dadku takbiirsadaan dhamaan tobanka Dul Xijjah, Ibnu Cumar iyo Abuu Hureyra ayaana u bixi jirey suuqyada, iyagoo takbiirsanaya, dadkuna way ka daba takbiirsan jireen.

Amaa takbiirta muqayadka ah, waa takbiirta la doonayo in la takbiirsado salaadaha waajibka ah kadib, waxaana ay bilaabaneysaa subaxa maalinka sagaalaad, waxayna ku egtahay Ayaamu Tashriiqa oo kala ah 11aad, 12aad iyo 13aad ee bisha Dul XIjjah.

Qaabab kala duwan ayay usoo aroortey takbiirta, waxaana kamid ah :

الله أكبر، الله أكبر، الله أكبر كبيرا.
الله أكبر، الله أكبر، لا إله إلا الله.. الله أكبر، والله أكبر، ولله الحمد.
الله أكبر، الله أكبر، الله أكبر، لا إله إلاّ الله.. الله أكبر، الله أكبر، ولله الحمد.

Culimada muslimiinta waxay tilmaameen in arinka Takbiirta uu waasac ku jiro, keliyana laga doonayo qofka muslimka ah inuu Allaah weyneeyo, aadna u badiyo arinkaas.

Waxaa kaloo aad u wanaagsan maalinka Carafo in dadku ay badiyaan ducada, maadaama uu Allaah aqbalayo ducada, sidoo kale waxaa sunno ah iney dadku cod la maqli karo ku akhriyaan Talbiyada.

Xadiith laga wariyay Anas bin Maalik Radiyallaahu canhu wuxuu yiri " Nabiga Salla-llaahu caleyhi wasallam ayaa istaagay Carafo, qoraxdana waxay ku sigatay iney dhacdo, Rasuulka wuxuu Bilaaku yiri " dadka ii aamusi”. Dadkii ayaa aamusay, markaas buu Rasuulka Salla-llaahu caleyhi wasallam yiri " kulankii dadkow, Jibriil ayaa goordhow ii yimid, wuxuuna isoo gaarsiiyay salaam iiga timid Alle, wuxuuna igu yiri " Alle wuu u dembi dhaafay dadka Carafaat iyo Mino isataagay, wuuna ka damanaad qaaday wixii raacay”. Cumar ayaa yiri " Rasuulkii Alloow, arintani ma anaga ayay noo gaar tahay? Rasuulka Salla-llaahu caleyhi wasallam wuxuu yiri " waxaa iska leh idinka, iyo dadka gadaashiina yimaada illaa maalinta Qiyaamaha”. Cumar wuxuu yiri " kheyrka Alle wuu batay, wuuna wanaagsanaaday”.

Related Items

Update cookies preferences