Qaaradda Yurub oo Wajaheysa Mushkilad hor leh oo xagga Tamarta ah kadib Gaaskii Ruushka [Warbixin].

Monday September 05, 2022 - 19:10:22
Liibaan Jeexoow
Saameynta dagaalka Ruushka ka wado Ukraine ayaa marba marka ka dambeysa sii xoogaysaneysa, marka laga hadlayo qaaradda Yurub oo uu dhaco dalka Ukraine, dowladaha qaaradda ayaana ku howlan iney helaan badiil ay kaga maarmaan shidaalka uga imaanayay dalka Ruushka oo lagu tiriyo inuu kaalmaha hore kaga jiro dowladaha adduunka u dhoofiya gaaska.

Maalintii Axadda qeybaha dalka Ukraine ay ka heysato Ruushka waxaa si kumeel gaar ah uga go’ay korontada, inkastoo markii dambe ay soo noqotay, hadana khubarada Tamarta waxay sheegeen in tani ay tahay calaamad muujineysa in Yurub iyo Ukraine ay lugaha la galeen marxalad kala bax ah oo horleh, oo la xiriirta xaga Tamarta.

Deegaannada uu Ruushka ka heysto Ukraine waxaa ku yaala warshadda korontada ee ku shaqeysa tamarta Nuclearka taasoo lagu magacaabo Zabaruujiya, waxaana shaqeynayay oo keliya hal tamar dhaliye, halka markii hore ay shirkaddu lahayd ugu yaraan 6 tamar dhaliye, dhuuntii keliya ee shidaalka uu Ruushku ku gaarsiin jirey dalka Jarmalka ayaana gebi ahaanba la xirey.

Dagaalka Ukraine iyo doodaha ka taagan dhuumaha shidaalka qaada iyo si guud mowduuca tamarta ayaa u muuqda iney yihiin labada arin ee heysta ra’yu caamka guud ee reer Yurub, Ruushka ayaana ku cadaadinaya reer galbeedka iyo Yurub shidaalka xagiisa ka yimaada, halka reer galbeedku laftooda ay horey cunaqabateynno dhowr ah oo xaga dhaqaalaha ah ugu soo rogeen dalka Ruushka.

Dhawaan, wafdi ka socda hay’adda Tamarta adduunka ayaa booqasho ku tagay shirkadda Zabaruujiya, Talaadada ayaana lagu wadaa in wakiilada ka socoday hay’adda ay Qaramada Midoobay daalacsiiyaan waxay kusoo arkeen booqashada ay ku tageen shirkadda Nuclearka ee Zabarujjiya, taasoo ay gacanta ku hayaan ciidamada Ruushka ee dagaalka kaga jira dalka Ukraine.

Kulan midkaas lamid ah ayaa lagu wadaa in JImcaha soo socda xarunta midowga Yurub ee Brokesel ay isugu yimaadeen wasiirada Tamarta ee midowga Yurub, kuwaasoo kawada hadli doonaa culeesyada xaga tamarta la xiriira ee soo wajahay qaaradda, wixii ka dambeeyay markii Ruushku jarey dhuumihii shidaalka gaarsiin jirey Jarmalka, sidoo kalena la wareegay shirkadda Zabaruujiya ee dalka Ukraine, taasoo qarka u saaran iney shaqada joojiso.

Midowga Yurub ayaa tilmaamaya in suuqii korontada ee qaaradda uu gebi ahaanba qarka u saaranyahay inuu shaqada joojiyo, haddii aan la helin xal muuqda oo soo deg dega, kaasoo looga maarmi karo shidaalka Ruushka ama ugu yaraan wada xaajoodyo dadban lala galo Butin.

Tusaale ahaan dalka Faransiiska oo kamid ah wadamada midowga Yurub, ayaa sicirka korontada wuxuu toban ku jibaarmey qiimihii horey loogu kala iibsanayay, taasina waxaa ugu wacan naqsiga ku yimid shidaalka Ruushka ka imaanayay ee soo gaarayay Yurub.

Axaddii aynu soo dhaafnay ayaa qeybo badan oo kamid ah mandiqadda ay ku taalo warshadda Zabaruujiya waxaa ka go’ay korontada, masuulka dowladda Ruushka ugu magacaaban mandiqadda ayaana sheegay in meelaha ay korontadu sida kumeel gaarka ah uga go’day ay kamid tahay magaalada Maryoobal.

Magaala xeebeedka Kheyrsoon ayaa sidoo kale kamid ah meelaha koronto la’aanta laga soo sheegayo, kana mid ah magaalooyinka waaweyn ee dalka Ukraine, dowladda Ruushka ayaana tilmaameysa inaaney jirin duqeymo cusub oo lagu beegsaday shirkadda, balse weli ay jiraan saameynta ka dhalatay duqeymihii horey dowladda Ukraine uga geystay nawaaxiga warshadda, sida ay tilmaameen masuuliyiinta dowladda Ruushka.

Maamulaha guud ee hay’adda Tamarta adduunka ayaa war uu soo saarey wuxuu ku sheegay in shirkada Zabaruujiya ay joojisay wax soo saarka korontada, sababo ku aadan cilad ku timid mid kamid ah tamar dhaliyeyaashii korontada gaarsiin jirey khadadka korontada.

Wuxuu intaa ku daray in hal tamar dhaliye uu hadda si wanaagsan u shaqeynayo, kaasoo loo adegsanayo korontada iyo dabka lagu isticmaalayo gudaha shirkadda ee loo adeegsanayo badbaadada, iyo xitaa deegaannada iyo xarumaha ganacsiga ee u dhow xarunta shirkadda.

Ciidamada Ruushka ee ka dagaallaamya dalka Ukraine ayaa la wareegey xarunta shirkadda nuclearka ee Zabarujjiya taasoo lagu tilmaamo iney tahay shirkadda ugu weyn eek u shaqeysa tamarta nuclearka ee Yurub, bishii Marso ee sanadkan, illaa iyo hadana waxaa shirkadda ka howlgala shaqaalihii Ukraine u dhashey ee horeyba uga shaqeynayay.

Maamulaha hay’adda Tamarta adduunka ayaa tilmaamay in Talaadada ay ku rajo weynyihiin in wafdiga ka socday shirkadda ee booqday shirkadda ay soo bandhigaan natiijada socdaalkooda iyo waxay indhahooda kusoo arkeen, khamiistii lasoo dhaafay ayuu wafdigu gaarey xarunta shirkadda, isagoo ka gudbay aagga furinta hore ee ay isku hor fadhiyaan ciidamada Ruushka iyo kuwa Ukraine.

Inkastoo aanu cidina eed saarin marka laga hadlayo dhinacyada Ruushka iyo Ukraine, wuxuu masuulka u hadlay hay’adda Tamarta sheegay in waxa ugu weyn ee walwalka ku haya ay yihiin badqabka shaqaalaha shirkadda iyo in shirakddu si wanaagsan u wadato howsheeda.

Mowduuca la xirira tamarta korontada ee Yurub ayaa weli mugdi badan la gelinayaa, waxaana shirakdda Gas-broom ee dalka Ruushka ay sheegtay iney dib u billowday in shirkadda ay shidaalka gaarsiiso dalka Jarmalka, kadib saddex maalin oo uu hakad ku jirey.

Dhinac kale wararkii ugu dambeeyayee ka imaanaya dalka Ukraine ayaa tilmaamaya in duqeymo xoogan ay habeenkii xalay ciidamada Ruushka ku garaaceen magaalada Miko-life ee koonfurta dalka Ukraine, duqeymahaas ayaana geysan khasaare nafeed, balse waxay dhaliyeen waxyeello gaartey dhismayaal iyo guryo ay dad shacab ah ku noolaayeen.

Magaaladan iyo deegaannada ku xeeran ayaa todobaadyo xiriir ah waxay wajahayaan duqeymo xoogan oo uga imaanaya ciidamada Ruushka, Sabtidii lasoo dhaafay ayaana duqeyn loo geystay magaalada waxaa ku dhintey 6 ruux oo uu canug yar kamid ahaa.


Related Items

Update cookies preferences