Sawirro: Beesha Tuni oo ciidamo iyo Xoolo ku biirisay Jihaadka Soomaaliya ka socda.

Tuesday November 22, 2022 - 06:28:30
Liibaan Jeexoow
Beesha todobo tol iyo toore ayaa ku biirtay liiska qabaa'ilka Soomaaliyeed ee sida ficliga ah usoo bandhigay mowqifkooda ku aadan dagaalka ay DF sheegtay iney kula dagaalamayso Xarakada Al-Shabaab.
Waxay beeshu degaanka Kuunyobarrow duleedkiisa kusoo bandhigtay ciidan hubeysan oo ka qeyb qaadanaya la dagaalanka ciidamada shisheeye iyo kuwa DF.

Ugaas Maxamad Cabdulqaadir Cabdiraxmaan oo hor kacayay ciidamada ayaa sheegay in aysan isku dooranayn kitaabka Alle iyo dastuur shisheeye qoray, ayna u dhimayaan difaaca kitaabka Qur’aanka. Isaga iyo odayaasha kale ee beeshu waxay iska qireen in ay nabad iyo cadaalad ku heleen maamullada wilaayaatka islaamiga ah 15 kii sano ee lasoo dhaafay, Xassan Sheekh warkiisana ay u arkaan cadaawad aan geed loogu soo gabban oo lagu doonayo in dadka horumarka lagu seejiyo.

Salaadiinta iyo dhallinta beesha Tunni oo garwaaxsan hubkooda ayaa munaasabadda ku wareejiyay 500 oo neef oo Ari ah iyo 10 neef oo Geel ah oo ay sheegeen iney ku garab istaagayaan Mujaahidiinta. Waxaa isi soo taraya qabaa’ilka Soomaaliyeed ee isbabar taagaya Xarakada Al-Shabaab tan oo muujineysa in Shabaabku bulshada ku kasbadeen isku xukunka shareecada islaamka iyo walaalnimada ay dhex dhigeen.

Qaar kamid ah degaanadii gobolada dhexe ee ay ku duuleen ciidamada DF iyo diyaaradaha Mareykanka waxaa dib u qabsaday qabaa’ilkii degganaa oo sita calanka uu towxiidku dhaxda kaga qoran yahay oo xilligan lagu yaqaano Xarakada Al-Shabaab.

Hoos Ka daawo sawirrada.


 

Related Items

Update cookies preferences