Ciidamo katirsanaa maamulka 'Jubbaland' iyo gaari ay wateen oo Jilib lagusoo bandhigay [Sawirro].

Wednesday February 01, 2023 - 18:01:19
Liibaan Jeexoow
Munaasabad lagusoo bandhigayay sedex askari oo kasoo goostay safka ciidamada maamulka Jubbaland ayaa maanta lagu qabtay xarunta maamulka islaamiga degmada Jilib.
Askartan towbadkeenka ah ayey labo kamid ah waxay lasoo goosteen gaari cusub oo HaarTop ah oo uu lahaa waziir kuxigeenka wazaarada Tamarta iyo biyaha ee Jubmaland, waxaana lasoo goostay darawalkiisii khaaska ahaa C/Fitaax Nuur.

Askariga labaad wuxuu katirsanaa ciidamada Nabad sugidda Jubbaland mudo dhowr iyo toban sano ah ayuu cadowga la shaqeynayay wuxuuna ka tirsanaa ciidamadii kenyaatiga iyo maleeshiyaadkii Soomaalida ee qabsaday Kismaayo.

Sawirro lagasoo qaabtay goobtii lagusoo bandhigayay askarta ayaa muujinayay gaariga iyo hubka ay lasoo goosteen, Sheekh Max'med Abuu Cabdalla waaliga Jubbooyinka ayaa ragga soo goostay ku bogaadiyay tallaabada ay qaadeen

Related Items

Update cookies preferences