Muxuu soo kordhin karaa kulanka madaxda loogu yeero safka hore? [Warbixin].

Thursday February 02, 2023 - 11:00:23
Liibaan Jeexoow
Bilowgii qarnigan aynu ku jirno waxa Soomaalida ku habsadey saddex caqabadood oo waaweynaa laakiin laga soo gudbey.
Dagaalladii sokeeye baa kow ka ahaa kuwaas oo iyagu iska soo jiitamayey illaa horraantii sagaashamaadkii.

Caqabadda labaad waxa ay ahayd xayiraaddii dhaqaale ee Mareykanku ku soo rogey dhaqaalihii kobcayey ee Soomaalida, siiba Shirkaddii Albarakaat.

Shirkaddaas oo dad badani lacagahoodii ku waayeen iyada oo lagu eedeeyay waxa loogu yeero ‘argagixisannimo’ halku-dheggaas oo lagu xalaashado dhiigga iyo dhaqaalaha muslimiinta.

Caqabaddii 3aad ee la soo deristey shacabka Soomaaliyeed waxa ay ahayd xanuunkii ku dhacey xoolihii ay dhaqanayeen. Waa xanuunkii loo bixiyey Rift Valley Fever, kaas oo sababey in dhammaan waddamadii Carbeed sida Sucuudiga, Yemen, Immaraatka, Cummaan, Qatar iyo qaarkaleba ay ku diideen xoolihii Soomaalida in ay iibsadaan. Waa sannadkii 2000. Runtii taasina waxa ay keentay lafjab ay la kulmaan xoolo dhaqatadii Soomaaliyeed laakiin looma le’an ee Alle fadligii waa laga soo gudbay.

Maantana waa laga gudbi doonaa hagar daamada ay shisheeyaha iyo shisheeye kalkaalku ku hayaan waddanka. Rejadu waa hubka ugu weyn ee nooluhu sito, meesha ay rejo jirtana nolol baa taalla. Sida aynu u arag xunnahayna uma Alle li’in haddii aynu shacabka nahay.

Waxa la sheegay in diinku berigii hore aanu qolof adag lahayn sida maanta shacabka Soomaaliyeed yahay. Haddaba maalin baa shimbiro daalimiin ahi u shireen diinkii si ay uga hirqadaan cadkiisa jilicsan ee bannaanka iska yaalla. Waxa ay ku tashadeen in subaxa hore marka uu waagu baryo la weeraro diinka, laakiin shirka waxa meel aan ka durugsanayn fadhiyey dabagaalle.
 
Dabagaallihii ayaa markiiba warkii gaadhsiiyey diinkii una sheegay in loo tashadey lana rabo in laga takhalluso aroorto marka waagu beryo. Diinkii daacadda ahaa waxa uu dabagaallihii ugu weydiiyey "Oo sow meesha la iigu tashanayey Ilaahay ma joogin?”. Haa buu ku jawaabey dabagaalle, kolkaas buu diinkii yiri "Orod haddaba iska tag Ilaahay baa igu filan oo i difaaci eh”. Waxa la yiri subixii ayay shimbirihii daalimiinta ahaa isu qayshadeen oo weerar ku soo qaadeen diinkii; Ilaahayna waxa uu diinkii huwiyey qolofta adag ee illaa maanta ku dahaaran, shimbiriina waxa ka wada qalloocsamey afkii.

Sidaas si lamid ah waxa shacabka iyo shabaabka Soomaaliyeed maanta u tashadey niman daalimiin ah oo soo saarey qodobbo dhowr iyo toban ah, kuwaas oo lagula dagaallamayo shareecada islaamka. Hubaal xaqa ayaa guuleysan, daalimkuna gurigiisii buu ku noqon.

Intii udhaxaysay sanadihii 2004-2005 xildhibaanadii baarlamaankii Mbgahati Doofaareey ayaa kuraasta iskula dhici jiray Hoteellada Nairobi iyagoo isku khilaafsanayaa sida laga yeelayo ciidamada dowladaha safka hore oo berigaas loola jeeday Itoobiya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo siyaasiyiin ay isku jaal ahaayeen ayaa la xamaasadaysnaa in uu dalka ku qabsado ciidamada Xabashida Itoobiya ugu dambeyntii hammigiisa waxbaa uga hirgalay oo Todobaatameeyo kun askar Itoobiyaan ah ayuu dalka soo geliyay balse markii dambe ayaa xoog looga saaray.

Waxa loogu yeero dowladaha safka hore waa Kenya iyo Itoobiya oo ah dowlado cadow ku ah umadda Soomaaliyeed, Jabuuti waa uun magac uyeel ladoonayo in lagu maxaafsado haddimada lala maaganyahay Soomaalida.

Shabaabka loo biratumanayo muxuu shirkani udhimayaa?.

Shan bilood ka hor madaxweyne Xasan Sheekh ayaa jihaadiyiinta ugu awoodda badan qaaradda Afrika ku iclaamiyay dagaal aan kala har laheyn wuxuu adeegsaday awood ciidan wixii uu haystay iyo diyaaradaha dowladaha shisheeye sida Mareykanka iyo Turkiga welina gacanta ayaa utaagan odayga oo magaarin libintii uu rabay.

Shirkii 1,2,2023 Muqdisho ka dhacay wuxuu sharciyad hor leh siiyay jihaadiyiinta Al Shabaab oo tan iyo markii dhidibada loo taagan dagaal kula jiray ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya, in madaxweynaha dowladda Federaalka uu ugacan haatisto Itoobiyaan iyo Kenyaan waxay sababi doontaa in boqolaal kun soomaali ah ay tacaaduf hor leh umuujiyaan Al Shabaab.

Mucaskaraatka ama xeryaha tababarada Al Shabaab ayaa markale laciir ciiri doono kumanaan dhalinyaro jihaad doonayaal ah sababtoo ah madaxweynihii dowlada ayaa iclaamiyay in ay dalka soo gelayaan ciidamada Itoobiya oo ah cadowga umadda soomaaliyeed laysku raacsanyahay.
Malaayiin qof Soomaali ah oo warbaahinta dowladdu ay bilihii lasoo dhaafay ka gedaysay in Shabaabku yihiin Khawaarij argagaxiso ah ayaa si lama filaan ah hadane looga dhigay halyeeyo dalka ka difaacyo shisheeye horor ah!.

Xaqiiqda ayaa ah in mar walba oo dowladda Xasan Sheekh ay uqeylla dhaansato shisheeye Shabaabkuna ay kusii heli doonaan taageero iyo isbarbar taag.

W/Q Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences