Qodista shidaalka Soomaaliya iyo khataraha ku gedaaman! [Warbixin].

Thursday May 18, 2023 - 13:49:11
Liibaan Jeexoow
Sida ay daabaceen mareego kala duwan oo caalami ah waxaa lagu qiyaasayaa keydadka shidaalka Soomaaliya ee la saadaalinayo in uu gaarayo 30 bilyan illaa 100bilyan oo barmiil.
Xogtan oo lagasoo xigtay daraasado ay sameeyeen shirkado kala duwan oo u badan reer galbeedka ayaa tibaaxeysa sida loogu kala baratamayo boobitaanka shidaalka dalka Soomaaliya ee ay dagaalladu halakeeyeen.

Daraasaddan ayaa Soomaaliya ka dhigeysa waddanka saddexaad ee ugu shidaal badan Afrika marka laga reebo Liibiya iyo Neygeeriya.

Sida warbaahinnada caalamig ah qorayaan dagaalka Ukraine ee Ruushka iyo Reergalbeedka ayaa sababey in dib loo xasuusto Soomaaliya oo la maalgashado si loo boobo kheyraadka dahan ee dhulka hoostiisa ku jira, laakiin waxa iska cad in dal dowlad la’aan ah aaney cidina maalgashan karin ee macnuhu yahay in hantidooda la boobo iyadoo la adeegsanayo madaxweynayaal maqaarsaar ah sida Xasan Gurguurte.

Xasan Sheekh oo ah qofka keliya ee raba in la dedejiyo qodista shidaalka Soomaaliya ayaa u tafaxaydanaya xaqul-qalin(signature bonus) oo uu ka helayo shirkadaha kala duwan ee reergalbeedka. Maamulka isku magacaabay Somaliland ayaa isna dhiniciisa shirkad gaar ah heshiis la galey si uu dhaqaale uga helo mashaariicda shidaalka lagu boobayo.

deegaannada uu ka arrimiyo maamulka Somaliland ee waqooyi galbeed dalka Soomaaliya ayaa lagu qiyaasey in uu ku keydsanyahay shidaal dhan illaa 5bilyan oo barmiil(foosto). Baloogyada laga baarayo shidaalka oo badankood dhanka badda ah ayaa laga yaabaa in waddamada deriska la ah Soomaaliya qudhoodu soo hungureeyaan sida dowladda Kenya oo horey muran xuduudeed dhanka badda ahi Soomaaliya dhexmarey.

Sannadka 2025 ayaa la qorsheeyay in la qodo ceelka u horreeya ee shidaal sida ay shaacisey shirkadda Coastline Exploration ee Mareykanka laga leeyahay, waana inta ku aaddan muddo xileedka Xasan Gurguurte. Baloogyada Shidaalku ceegaago sida DF sheegtay 2022 waa illaa 7 dhanka badda ah.

Shirkadda Coastline Exploration oo hawlgalkeeda wajiga hore uu bilaabmayo November 2023 illaa March 2024 ayaa sii bixisay lacag ah 7milyan oo doollar(Signature bonus)..

Shirkadaha kale ee dhankooda boobka shidaalka Soomaaliya u tafaxaydan waxa kamid ah ExxonMobil iyo Shell oo ah laba shirkadood oo laga leeyahay dalalka Holland iyo Britain.

Inkastoo Xasan Sheekh meelo badan u marey soo saarista Shidaalka Soomaaliya illaa kulamadii uu bilowgiiba la yeeshay madaxda Turkiga haddana waxa hortaagan saddex caqabadood oo aan si fudud looga gudbi karin.

Halista 1aad ee Xasan ka hortaagan boobka kheyraadka dalka waa Xarakada Alshabaab oo badi maamusha dhulka Koonfurta Soomaaliya marar badanna gacanteedu gaarto waddamada deriska ah sida Kenya iyo Jabuuti.

Caqabadda kale ee haysata xukuumadda Xasan Sheekh ayaa lagu sheegay heshiiskii maamulka gooni goosadka Somaliland uu la galay shirkadda Ganal Energy ee Ingiriiska laga leeyahay kuwaas oo idan la’aan heshiiskoodu dhacey.

Caqabadda saddexaad ee shidaal qodista hortaagan ayaa lagu sheegay dhibaatada qabiilka iyo is aaminaad la’aantu ku hayso Soomaaliya.

Warbixinnadan ay warbaahinta caalamiga ah ka qortay boobka lagu hayo kheyraadka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duullaanka Xasan Sheekh uu ku iclaamiyay wilaayaatka Islaamiga ah uu ku qotomo sidii loogu gogol xaari lahaa bixinta baloogyada shidaalka dalka Soomaliya taasi oo ka dhigan in Garguurte uu doonayo in uu boobo kheyraadka umadda iyadoo aysan jirin cid yac ka dhihi karta.

Related Items

Update cookies preferences