Abuu Cubeyda: Waxaan ganiimeysanay gaadiidkii dagaal ee ugu badnaa tan iyo midowgii Maxaakiimta

Thursday May 25, 2023 - 13:52:49
Liibaan Jeexoow
Kalimaddan oo la dhageysan karo ku dhawaad muddo saacad ah, islamarkaana ahayd khudbadii lagu xiray shirka wadatashiga 2aad ee looga arinsanayey jihaadka bariga Africa, ayuu sheekh Axmad Cumar Abuu Cubeyda uga hadlay arimo dhowr ah.
ugu horreyn Amiirka ayaa u mahad celiyey martida kasoo qeybgalay shirkaas, wuxuuna balan qaaday in ay dhankooda dusha u ridan doonaan fulinta go'aanada kasoo baxay kulankaasi.

wuxuu soo hadal qaaday gulufkii lagusoo qaaday wilaayaatka Islaamiga iyo guuldarrada ba'an ee cadowga uu ka dhaxlay duullaankaas, wuxuuna sheegay inay xog dhameystiran ka hayeen duullaanka inta uusan billaaban iyo ciidamada kala duwan ee ka qeyb qaadanayey.

Duullaanka cadowga ayuu sheegay inuu barbar socday duqeymo xagga cirka ah oo ay geysanayeen Mareykanka, Turkiga, Kenya, iyo Itoobiya, islamarkaana dalka uu noqday mid shisheeyuhu ay ku tijaabsadaan hubka iyo diyaaradaha ay soo iibsadaan.

Wuxuu soo hadal qaaday duullaanka hadda la hadal hayo ee xabashida, wuxuuna sheegay in uusan ka duwaneyn duullaankii 2006-dii ee uu marmarsiyada u sameyn jiray Cabdullaahi Yuusuf, Xasan Gurguurtana uu doonayo inuu sidaas oo kale dalka ugu gacan geliyo xabashida oo leh damacyo dhul ballaarsi oo soo jireen ah.

Sheekh Axmad Cumar Abuu Cubeyda ayaa sheegay in Allaah fadligii Umaddu ku baraarugsan tahay cadaawada xabashida, ayna dad badan lasoo xiriireen jihaadiyiinta oo soo dalbaday in la siiyo aag ay kaga qeybgalaan dagaalka Xabashida, wuxuuna Mujaahidiinta ugu baaqay inay soo dhaweeyaan dadkaasi.

Wuxuu amiirku bogaadiyey dowrka ay jihaadiiinta ku sugan furimaha dagaalka ka qaateen dhiciseynta duullaankii lagusoo qaaday wilaayaatka Islaamiga, wuxuuna ugu baaqay inay sii laba jibaaraan jihaadka ayna Umadda tusaan nafhurkooda iyo duullaano lagu farxo oo lagu gumaadayo cadowga Allaah.

Kalimaddan oo uu baahiyey Qanaatka kataa'ib al-Akhbaariya ayaa duhurkan lagu faafiyey mareegaha internetka iyo baraha bulshada.

Halkan ka degso kalimadda MP3
Halkan ka dhageyso kalimadda Abuu Cubeyda
ama halkan ka daawo

Related Items

Update cookies preferences