Xasan Sheekh oo sheegay in dalku gummeysi kujiro Dowladdiisana ay go'aannada ugaaraan Ajnabiga (Warbixin)

Sunday July 02, 2023 - 15:37:41
Liibaan Jeexoow
Madaxweynaha DF Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah u shaaciyay in dalka Soomaaliya uu gumeysi ku jiro laguna maamulo xeerarka ay qaramada midoobay ku dhaqdo wadamada gunta ah ee aan madax-bannaanida heysan.
Khudbad uu jeediyay maalinkii Ciida ayaa waxa uu kusoo hadal qaaday qaar kamid ah culeysyada heysta dowladdiisa, isagoo dhanka kale qiil u raadiyay fashilka ciidan iyo midka siyaasi ee heysta dowladdiisa. Madaxweynahan todobaatan jirka ah ayaa cod dheer ku sheegay in wadanka uu ku hoos jiro gumeysi dowladduna aysan lahayn qaraarkeeda maadaama quudkeeda loo hayo oo shisheeyuhu biilaan.

"Caalamka maanta tuulada noqday oo halka tuulo dadka deggan sidey isugu dhowyihiiney isu maamulaanoo kalaa caalamkoo dhan maanta isu maamulaaye, jamciyadda qurumaha ka dhaxaysa waxa la yiraah Chebter Seven in nalagu maamulo dalalka dhan xubiney ka yihiin, xubinaan ka nahay, si aan loola dhaqminaa noola dhaqmaa” ayuu yiri Xasan.

Wuxuu sheegay in gumeysiga ay dhanka kale "maslaxad ugu jirto dowladdiisa iyo Soomaalida” (sida uu hadalka u dhigay) wuxuuna yiri: "Si-si u fiican waa tahayoo gargaar iyo wanaag iyo kaalmo iyo wax badanoo ummadda Soomaaliyeed badbaadinaayaa ku xeran, laakin dadku uma noola iney wax cunaan bes, uma noola iney wax cunaan bes uma noola, caloosha kama noolin, inaan caloosha wax ku shubano kaliya uma noolin”

Isagoo muujinaya inuu ka xun yahay sida ay shisheeyuhu u bahdilaan dowladdiisa sharaxaadna ka bixinaya dhibaatooyinka ay hadda ku qabaan Chepter Seven ayaa waxa uu xusay in aysan habooneyn in shisheeyuhu mar walba dowladda ku tilmaamaan dad aan amnigooda sugan karin iyo dad aan isbiili karin.

"Maalin walba iney gacanta noo hoorsanaato sax ma aha, amnigooda ma sugi karaane hala garab istaago amniga halala sugo in nala yiraah sax ma ahan, isma biili karaane biilka hala siiyo in nala yiraah sax ma ahan, Cheepter Seven-aa lagu maamulaa go’aan ma laha maalin walba go’aanka waa loo gaaraa, hub lama sii karo, kaas looma ogola, xaga uma safri karaan, kuwa ayaga kamid ah diyaaradaha ma raaci karaan in nala yiraah waxaan ogu kallifnaanay annaga waaye” sidaasu waxaa yiri Xasan Sheekh.

Iyadoo uu sidaas u qiray in wadanku gumeysi ku jiro, dowladdiisuna ka hoos shaqeyso shisheeyaha, ayuu saacado kadib khudbaddaasi jeediyay hadal kale oo ku aadan 1-da Luuliyo kaasoo uu ku sheegayo in Soomaaliya ay marxaladdii ugu wanaagsanayd mareyso!

Kaaral iyo hadduu Xalane degay David iyo Koofil
Luuliyo waa dulmaysaane maxaa loo dabbaal degi?

Madaxweynaha DF loogama baran inuu si cad u qiro in wadanku gumeysi ku jiro, waxaana siyaasiyiinta xog ogaalka ah ay sheegayaan in arrintan looga danleeyahay qorshe halis ah oo la doonayo in lagu marin habaabiyo ummadda Soomaaliyeed.

Dowladdu waxay daneeneysaa in ay ku tiirsato hadda wixii ka dambeeya Yahuuda, si taa ay u suura gashana waxaa la qorsheeyay sida ay xogo hoose sheegayaan in bulshada loo sheego in wadanku gumeysi ku jiro, inuu xorriyad dhammeystiran helana ay uga xiran tahay iyadoo Yahuuda lagu xirto.

Waxaa dhawaan la billaabay ol’ole suuqa lagu soo gelinayo rag siyaasiyiin ah oo qandaraas lagu siiyay in ay ummadda dhagaha ugu shubaan caqliyad iyo falsafad loogu sheegayo ineysan wax dhib ah lahayn in Yahuuda lala duubto oo xiriir adag lala sameysto, waxaana sidoo kale siyaasiyiintaas loo fududeeyay warbaahinta iyo wadiiqo kasta oo ay farriintaas ku iibin karaan.

Dhawaan warbaahinta Yahuuda ayaa sheegtay in uu jiray xiriir hoose oo xukuumaddooda iyo tan Muqdisho kasoo dhaxeeyay, mar dhowna la shaacin doono xiriirka, waxayna arrintan kusoo aadeysaa iyadoo Xasan Sheekh lagu xamanayay in markii la doortay kadib uu Imaaraadka Carabta kulamo qarsoodi ah kula soo qaatay Ra’iisulwasaaraha maamulka gumeysiga ah ee Yahuuda.



Related Items

Update cookies preferences