Sawirro: 10 katirsan Askarta iyo saraakiisha Danab oo lagu dilay duleedka Kismaayo.

Saturday August 05, 2023 - 11:46:37
Liibaan Jeexoow
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgallo jihaadi ah oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gobollo dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.
Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in qaraxyo khasaara badan dhaliyay maleeshiyaadka Mareykanku tababaray ee Bangaraafta lagula beegsaday duleedka magaalada Kismaayo.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in qaraxyada ay ku dhinteen ku dhowaad 10 askari oo uu jiro sarkaal lagu magacaabi jiray C/raxmaan Max'med Saleebaan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in 2 gaari ciidamada Danab looga gubay qaraxyo lagula helay meel ku dhow garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo.

Dhinaca kale askari katirsanaa ciidamada dowladda ayaa ku dhintay qarax ka dhacay degmada Dayniile, Al Shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda dhammaan weeraradan ka dhacay Banaadir iyo Jubbada hoose.

Related Items

Update cookies preferences