Sidaan ayaa ciidamada dowladda loogu laayay deegaanka Gaadaay gobolka Mudug [Sawirro].

Thursday October 05, 2023 - 17:32:40
Liibaan Jeexoow
Waxaa sii kordhay khasaaraha dagaalkii cuslaa ee shalay ka dhacay deegaanka Gaadaay oo katirsan gobolka Mudug bartamaha dalka Soomaaliya.
Sawirro lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya khasaaraha lixaadka leh ee ciidamada dowladda lagu gaarsiiyay dagaalkii shalay.

Meydadka tobanaan askari oo daadsan goobta dagaalka ayaa la arkayaa iyo gaadiid dagaal oo jihaadiyiinta Al Shabaab ay ku furteen dagaalkii shalay dhacay.


Related Items

Update cookies preferences