Biden oo diiday in duqeymaha laga joojiyo shacaka Qaza iyo tirada shuhadada oo sare ukacday.

Tuesday October 24, 2023 - 11:15:51
Liibaan Jeexoow
Waxa maalintii 18aad sii socda duqeymaha Yuhuuddu ka wadaan Marinka Qaza, Ka dib duqeymo lala beegsadey xaafado kala duwan waxa xaley shahiidey 110 oo Falasdiiniyiin ah kuwaas oo ay kamid yihiin dumar iyo carruur. Meelaha ugu daran ee burburka gaarey ayaa wararku sheegayaan in ay yihiin Khaan Yoonis iyo marinka Rafax.
Shuhadada reer Falastiin ayaa noqonaya in ka badan 5000 oo shahiid kuwaas oo 2055 kamid ahi yihiin carruur halka 1119 yihiin dumar. Dadka da’da ah ee duqeymaha ku nafwaayey ayaa iyaguna noqday 217. Dhaawaca oo tiro beelay ayaa noqday 15,273 qof sida uu sheegay Xafiiska Warbaahinta ee Marinka Qaza.

Sidoo kale dadka gudaha ku barakacey ayaa gaaraya 1milyan iyo 400 oo kun. Maamulka cusbitalka Shifaa oo la hadley Telefishanka Al Jazeera waxa uu tibaaxey in Qazi ay la kulmeyso gumaad aan loo aabo yeelin taas oo 24-kii saac ee u dambeeyay ay shahiideen 200 oo qof.

Dhanka kale cusbital lagu magacaabo Indunuusiga waxa ka dhacdey koronto la’aan sababo la xiriira shidaalka la’aan.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa diiday in duqeymaha laayaanka ah laga joojiyo shacabka ku dhaqan magaalada Gaza, Biden oo warbaahinta lahadlay ayaa in duqeymaha shacabka laga joojiyo shardi uga dhigay in marka hore kooxaha muqaawamada ay sii daayaan maxaabiista ay Yahuudda ka qabteen.

Related Items

Update cookies preferences