Qazza oo banaanka keentay laba Aflaynta "Culumo" Soomaaliyeed.

Saturday November 18, 2023 - 11:25:45
Idriis Ali
Dagaalka ka socda Qazza, waxa uu muujiyey ceebta qaar kamid ah kuwii huwanaa Qaydka culumada, waxana uu banaanka keeney kuwo garabka saartay magaca Shiikhnimo, balse uurka ka taageersanaa cadowga.
Qaar kale markii ay arkeen in dhammaan shucuubta muslimiintu ay la damqanayaan walaalahooda Qazza, dhanka kalena ay qaar kamid ah shucuubta gaalada aduunku, ay ayaguna dhankooda muujinayaan in ay ka soo horjeedaan gumaadka gardarada ah ee lagu hayo reer Qazza, ayey u soo baxeen saaxada, waxa ay burburiyeen wixii ay soo dhisayeen ilaa iyo muddo hadda laga joogo Tobaneeyo sano, waxa ay baal mareen qodobo iyo go’aamo laga keydiyey xiliyadaas.

Soamaaliya iyo Falastiin.

Falastiin waxaa qabsaday yuhuud, waxaana ku taageeray Nasaaro ah reer galbeed iyo munaafiqiin.
Soomaliya waxaa qabsaday nasaaro, waxaana ku taageeray Nasaaro ah reer galbeed, Yahuud iyo Munaafiqiin.
Falastiin difaaceeda waxaa u istaagay dhalinyaro jihaad kala hortagay cadowga isa soo bahaystay.
Soomaaliya difaaceeda waxaa u istaagay dhalinyaro jihaad kala hortagay cadowga isa soo bahaystay.

Dhalinyarada Falastiiniyiintu waxa ay cadowga u adeegsadeen wax alaale iyo wixii awood ah oo ay kari kareen.
Dhalinyarada Soomaalidu waxa ay cadowga u adeegsadeen wax alaale iyo wixii awood ah oo ay kari kareen.

Dhalinyarada Falastiiniyiintu dhulka ay ka taliyaan, kuma dhaqaan shareecada Islaamka si dhamaystiran oo ah 100%.
Dhalinyarad Soomaalidu dhulka ay ka taliyaan waxa ay ku dhaqaan shareecada Islaamka 100%.

Dhalinyarada Falastiiniyiintu falalka ay ayagu geystaan ayaa mararka qaarkood waxaa ka dhasha dhibaatooyin aad u badan oo soo gaara shacabka reer Qazza, guryahadooda, masaajidda, isbitaalada, goobaha waxbarasho iyo xeryaha ay ku nool yihiin boqolaal kun oo barakacayaal ah.

Dhalinyarada Soomaalidu falalka ay ayagu geystaan ayaa mararka qaarkood waxaa ka dhasha dhibaatooyin, balse in badan ka yar midka reer Falastiin ee aan kor ku soo sheegnay.

Dhalinyarada Falastiiniyiintu way gawracaan si xunna u dilaan jaajuuska Falastiiniga ah ee u shaqeeya Yahuudda.
Dhalinyarada Soomaalidu way dilaan jaajuuska soomaaliga ah ee u shaqeeya gaalada Marayknka, Ethiopia, Kenya, Yahuudda iyo dhammaan cadowga.

Dhalinyarada Falastiiniyiintu waxay difaacanayaan dhulkooda iyo hantidooda.

Dhalinyarada Soomaalidu waxay difaacayaan dhulkooda, hantidooda iyo ku dhaqanka sharaacada oo ah sababta ugu weyn ee ay gaaladu iskusoo bahaysatay duminteeda.

HADABA, ma Gar baa in culumadii mudo ka badan toban sano eedeynayey oo dhaleecaynayey dhalinyarada soomaalida, in ay maanta ku taageeraan dhalinyarada Falastiin wixii ay ku eedeeyeen dhalinyarada Soomaliya iyo wax ka daran?.

Gar miyaa in dhalinyarada Soomaalidu ay noqdaan Khawaarij, kuwa Falastiina ay noqdaan Muhaajidiin?!!.

Gar miyaa in la ogolaado in lala dagaalamo Yahuudda, lana diido in lala dagaalamo Nasaaro ku soo duushay dhulkeena?!!
Ma Gar baa in ay "culumadaasi” yiraahdaan waa sax duulaanka ay qaadeen dhalinyarada Falastiin 7-dii October ee sababtay dhimashada kor u dhaaftay dhowr iyo tobanka kun, iyo dhaawaca iyo burburka intaas ka badan, balse dhanka kale uu noqdo difaaca ay dhalinyarada Soomaalidu ku jiraan wax ay ugu yeereen fasaad iyo marmarsiiyo uu cadowgu dalkeena ku soo galay?

24-tii December 2006-dii, ma dhalinyaro ayaa Muqdisho ka duulaan tagay oo weerar ku qaaday Adis Ababa?
Ma Dhalinyaro Soomaaliyeed ayaa dhagaxaan ku tuuray Nairobi, Kampala iyo Bujunbura?!

Waxaa aniga ii muuqata in "culumada” xiligaan hadlaya uusan hadalkoodu ahayn mid Diineed, balse uu yahay mid caadifadeed oo hadba la Jaanqaadaya dareenka Shucuubta.
Lamana yaabi doono hadii ay dhacdo oo Allaah qadaro in ay Dhalinyarada Jihaadka ku jiraayi ay ka soo dhex hadlaan Villa Somalia, in ay wadaadadaasi u soo kala ordi doonaan ayaga oo dhahaya
إنَّا كُنَّا مَعَكُم

WQ Abuukar Cali Axmed

FG: Fikirku wuxuu gaar u yahay qoraaga ee SOMALIMEMO looma tiirin karo

Related Items

Update cookies preferences