Qazza waa hormuudka umadda ee isbedel doonka ah [Maqaal].

Monday December 04, 2023 - 16:56:43
Idriis Ali
Mu'assasada warbaahineed As-Saxaab ayaa baahisay maqaal ciwaan looga dhigay " Qazza waa hormuudka umadda ee isbedel doonka ah" kaasoo uu qoray qoraaga lagu magacaabo Saalim Ash-Shariif ee tan iyo markii howlgalka Duufaanta Al-Aqsaa uu billowday qoray maqaalaat dhowr ah.
" Yahuudda, Maraykanka iyo reer galbeedka Saliibiga ah ayaa ka ooyay howlgalkii 07-da October oo ay wax weliba oo shar ah ku tilmaameen, waxaadba moodaa in dagaalka noo dhexeeya anaga iyo Yahuudda uu soo billowday 07-dii October 20223-da, iyagoo u maleeya in xusuusta basharka ay tirtirantay, maya sidaasi maahan, anagu waxba ma illowno godobteenna, hadaad aad iska indha tireysaan oo aad si doqonimo leh isku illowsiinaysaan gabood fallada aad noo geysateen 1948-dii, wixii ka horeeyey iyo wixii ka dambeeyay ee illaa iyo maanta socda, annagu waxaan xusuusanaa wax weliba laga soo billaabo maalinkii ugu horeeyay ee xamlo Saliibi ah lagu soo qaado wadamada Islaamka, lasoo maro markii gumeystaha reer galbeedku nagu soo duulay illaa iyo maanta.

Marar badan ayaa la idin ka eryay dhulalka Islaamka, dhawaanna waa la idin eryi doonaa Inshaa Allaah, dibna uma soo laaban doontaan, maxaa yeelay qadiyadeenu waxay ku dhalatay dhiiga, caruurteenuna waa kuwa aargoosiga dhaxli doona” ayuu ku billaabay Saalim Ash-Shariif maqaalkiisa cusub ee ay baahisay mu’assasada As-Saxaab.

Tan iyo sanadkii 1906-dii oo hadda laga joogo wax ku dhow 1000 sano, reer galbeedku ma waxay dadaal badan ku bixinayeen sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen Filastiin, kayaanka Yahuudda ayaana ah mirihii ka dhashey xamalaatkii Saliibiyadda ee is xig xigay, arinkaasina waxaa daliil u ah hadal uu jeediyay Biden madaxweynaha Maraykanka, kaasoo uu ku sheegay wasiilada ugu wanaagsan ee masaalixdooda ay ku ilaashan karaan ay tahay waardiyeynta Kayaanka Sahyuuniga ah, sida uu tilmaamayo Saalim Ash-Shariif.

Mar uu ka hadlayay xaqiiqooyinka muujinaya gumaadka indho la’aanta ah ee loo geysanayo muslimiinta Qazza, wuxuu qoraaga maqaalka Saalim Ash-Shariif leeyahay " Maraykanka ayaa hurinaya siraaca ka socda Filastiin iyo Ukraine, marka laga hadlo Ukraine wuxuu ka hor yimid gumeystaha Ruushka, laakiin Filastiin wuxuu Maraykanku garab siiyay gumeystaha, cida Yahuudda ku garab taagan hub, hanti iyo bambaanooyinka noocyadooda kala duwanna waa Maraykanka, cida dirtay diyaaradaha iyo gujisyada waaweyn si loogu taageero Yahuudana waa Ameerika, cida jeneraalladeeda u dirtay Yahuudda si ay u hogaamiyaan dagaalkana waa Maraykanka, cda sharciyadda siisay Yahuudda xooga ku heysata Filastiin waa Ameerika” ayuu leeyahay Saalim Ash-Shariif.

Waxaa maqaalka cusub ee ay baahisay mu’assasada As-Saxaab lagu yiri " Todobadii October, waxay Mujaahidiintu beegsadeen firqada Qazza, taasoo ay gebi ahaanba burburiyeen, waxaa xigayna in Yahuuddu gumaadaan caruurta, haweenka iyo waayeellada Qazza, halka dhalinyarada Mujaahidiinta ah ay malxamad halyeynimo leh ku beegsanayaan dabaabadaha iyo taangiyada ciidamada gumeystaha, wuxuu cadowgu si indho la’aan ah u beegsanayaa isbitaallada iyo dadka maatida ah, maxaa yeeley sirdoon ahaan wuxuu ku fashilmey inuu helo hadaf milliteri, wuxuuna ka caajisay inuu waajaho libaaxyada Islaamka ee aan la arkin, kuwaasoo ula mid ah door joog halmar un soo baxdo, si ay u gumaado ciidankiisa, una basbeeliso gawaaridiisa” ayaa lagu yiri maqaalka.

Xaqiiqooyinka dagaalka Qazza ayuu tilmaamayaa Saalim inaaney ku dhicin qarinteeda isbaheysiga Sahyuu Saliibiyadda, Natin Yahuna uu doonayo keliya inuu dhowrto mustaqbalkiisa siyaasadeed, iskuna muujiyo inuu yahay ninkii gumaadka taariikhiga ah ka geystay Qazza, laakiin wuxuu moogyahay buu leeyahay Saalim " inuu ku ciyaaarayo mustaqbalka Yahuudda ee caalamka iyo Filastiin”.

" Si aan u joojinno cudwaanka ka dhanka ah Qazza iyo gumaadka halkaas ka socda, cadowgana aan ula rogno qorshaha, guul aan xaqiijinno, waa inaan ka gudubnaa khiyaaraatka uu cadowga iyo dabodhilifyadiisu nasoo hordhigayaan, waa inaan ka xurownaa qaab fakarka uu cadowgu isugu keena aadiyay, waa inaan qaadannaa go’aanno dhowr ah oo adag, si aan u wanaajinno dhismaha mustaqbal wanaagsan oo aan anagu leenahay iyo mustaqbalka jiilasheena soo socda, aan isku waafaqno ama isku diidno, waaqica wuxuu sugayaa in khiyaaraadka aan heysanno ay yihiin oo keliya labo midood; Islaam iyo Xurriyad wada socda ama Kufri iyo adoonnimo wada socota, ee nin weliba ha doorto waxa la gudboon” ayuu yiri Saalim Ash-Shariif qoraaga maqaalka cusub ee ay baahisay mu’assasada warbaahineed ee As-Saxaab.

Hadaba si mustadcafiinta ku nool dunida ay ugu guuleystaan ka takhalusida nidaamka caalamiga ah ee Sahyuu Saliibiyadda sii baaba’aya, wuxuu Saalim soo jeedinayaa iney tahay in laga gudbo xukkaamta na garba duubaya, oo aan Sahyuu Saliibiyadda ku beegsanno galbeedka iyo meel weliba, si aan u ciqaabno, ugana abaal marinno ficilladooda foosha xun, anagoo adeegsaneysa dhamaan wasiilooyinka ay suurtagalka tahay.

" Qazza waxaa ka dhaqaaqay dhimbilhaa isbedel doonka bashariyada, si looga takhaluso in adoomo loo ahaado reer galbeedka iyo Sahyuuniyadda, waxba sooma kordhineyso in mujrimka laga codsado inuu joojiyo dulmigiisa, waa cadow aan maqleynin luuqadda awoodda waxaan ka ahayn, banaanbaxyadu waa luuqadda ay ku hadlaan kuwa ducafada ah, waxna masoo kordhineyso hadiiba aaney ka gudbin dhawaaqa, isbedel ma imaanayo illaa ay kacdoon wadayaashu warka joojiyaan, oo ay u dhaqaaqaan gudashada waajibka xaqiiqiga ah ee saaran, isbedelku wuxu dhameystirmayaa marka jamaahiirta muslimiinta ay ay halkudhigyada iyo dhawaaqa u bedelaan tallaabooyin camali ah oo ka bilaabanaya in jiridda loo siibo maamullada ka jira caalamak Islaamka” ayuu leeyahay qoraaga maqaalka ay baahisay As-Saxaab ee lagu magacaabo Saalim Ash-Shariif.

Banaanbaxyada ka dhacaya wadamada caalamka Islaamka ayuu Saalim soo jeedinayaa iney isku bedelaan shaqo joojin rasmi ah, heer lagu qasbo maamullada iney dhacaan, wuxuuna leeyahay " howlgab ka dhiga shaqooyinka gawaarida dadweynaha noocyadooda kala duwan, ha aadina shaqooyinka, hana bixinina lacagaha korontada iyo biyaha, howlgab ka dhiga taayarka dhaqaalaha, oo ha aadina warshadaha, xarumaha ganacsiga iyo shirkadaha, ciidanka iyo saraakiisha qalbigooda wax un wanaag ah ku dambeeyo ha aadina shaqooyinkiina, illaa uu idin kaga imaado amarka ah dagaal ka dhan ah Yahuudda, kaasoo kasoo fuli doona hogaamiyaasha Umadda ee dhabta ah, Jamaahiirtu waa iney la wareegaan xarumaha wasaaradaha, baarlamaannada, saldhigyada ciidamada, iyagoo adeegsanaya wasiilada ay heli karaan, waana iney xabsiyada kasoo daayaan dadka ku xiran, howsha shaqo joojinta waxay ka dhigantahay in shalal lagu rido nidaamka siyaasadeed ee dalka, illaa uu ka dhoco maamulka, oo uu ka yimaado maamul daboolaya baahida umadda muslimka ah oo ay ugu horeyso xoreynta Filastiin iyo muqadasaatka Islaamka” ayuu yiri Saalim Ash-Shariif.

Haddii ay dadku dareemaan in caziimadooda iyo go’aankoodu hoos u dhacay, wuxuu Saalim soo jeedinayaa iney ka shidaal qaataan wejiyada hooyooyinka iyo caruurta ku rafaadsan Qazza, kuwaasoo uu cadowgu dusha sare ka garaacayo, caalamkuna indhaha ka daawanayo.

" Jamaahiirta Umadeena careysan, ogaada inuu Alle la jirkiina yahay oo uu idin gargaarayo, Allaah wuxuu yiri :

Maanta sinaba suurogal uma ahan inaan ka dib dhacno u hiilinta iyo garab siinta Qazza, qof caqli lehna kama suurowdo inuu isha ka daawado dadkaas oo ay la keli noqdaan isbaheysiga Sahyuu Saliibiyadda, xikmaddii waartay ee ahayd " waxaa la I cunay maalinkii la cuney dibigii cadaa” ayaana mid dhiiragelineysa qof weliba oo garaad leh, Rasuulka Salla-llaahu caleyhi wasallam wuxuu yiri " Muslimku waa walaalka muslimka kale, ma dulmiyo, ma gacan geliyo, qofkii walaalkiisa howshii uu lahaa u qabto, isagana Alle ayaa howshiisa u qabanaya, qofkii muslim ka feyda kurba heysatana, Alle ayaa maalinka Qiyaamaha ka feydaya kurbo kamid ah kurubaatka Qiyaamaha, qofkii u ceeb astura walaalkiisa muslimka ahna Alle ayaa asturaya ceebtiisa” waa xadiith Saxiix ah oo ay soo saareen Bukhaari iyo Muslim.

Ogaada dadyahow halyeeyada ah in dagaalkani uu yeelan doono sha’ni kale, haddii aan ka gaabinno u hiilinta walaalaheena iyadoo qof weliba uu adeegsanayo meydaanka takhasuskiisa ah, waxaa imaan doonta waqti uu cadowgu nala keli noqdo, maalinkaasna ma heli doonno xitaa qofka faruuryaha u qaniina inuu ka xunayahy waxa na gaaray awgeed.

Kor u qaada halkudhigyada gurmadka reer Qazza, nin welibana haku dadaalo oo keliya in hadalkiisa iyo ficilkiisu is waafaqaan, ee deg-dega, ogaadana in kalimad kasta ay kamid noqon doonto bulkeetiga guusha soo socota, afcaasha ayaana ah kuwa ugu sarreeya oo ugu waxtar badan marka laga hadlayo in la bedelo xaalka ay Umaddu ku nooshahay, sidaas darteed nooma haboona inaan ku kaaftoonno banaanbaxyada, waa lama huraan inaan isbedel la imaanno, kaasoo ka dhigan iney burburaan maamullada ka jira dunida Muslimka, arinkaasina kuma imaan karo waxaan ka ahayn shaqo joojin rasmi ah” ayuu yiri Saalim Ash-Shariif oo ah xubin katirsan Al-Qaacida.

Related Items

Update cookies preferences