Madaxii Sirdoonka Millateriga Yuhuudda oo iscasiley.

Monday April 22, 2024 - 16:11:39
Liibaan Jeexoow
Madaxii Sirdoonka Millateriga maamulka Yuhuudda ayaa iscasiley maanta oo Isniin ah ka dib markii uu sheegay in uu ku guuldarraystey ogaanshaha weerarkii qorsheysnaa ee Falastiiniyiintu ku qaadeen Yuhuudda 7 October, hawlgalkaas oo ku caanbaxey magaca Duufaanta Aqsa.
Ninkan iscasiley oo loogu yeero Aharun Halefa waxa uu warqaddii iscasilaaddiisa ku xusey in Sirdoonka Millaterigu aaney gudan waajibaadkoodii loo igmadey isla markaana waxa uu ku baaqey in dabagal lagu sameeyo wixii dhacey 7-dii October.

Maamulka Yuhuudda ayaa gebi ahaanba ku guuldarreystay weerarradii rogaal celiska ahaa ee ay ku qaadeen dhulka muslimiinta ee Falastiin.
Dagaalkii Yuhuudda ee Marinka Qaza ayaa daarranaa saddex ujeeddo oo kala ahaa;

1: in la soo furto maxaabiista Yuhuudda ah ee ku jira gacanta iska caabbinta. 2: in la qixiyo dadka ku nool Marinka Qaza iyada oo loo qoondeeyay in la dejiyo Masar ama Urdun. 3: in la wiiqo ama la tiritiro cududda kooxaha iska caabbinta oo ay ugu horreyso Xarakada Xamaas.

Saddexdii ujeeddo ee maamulka Yuhuudda iyo xulafadiisa reergalbeed lahaayeen ayaa dhammaan guuldarreystay taas oo keentay in ciidanka Yuhuuddu ay banneeyaan aagag dagaal.

Dhanka kale waxa jira mucaarad xooggan oo gudaha Yuhuudda ka jira oo ku baaqaya in uu iscasilo Netanyahu maaddaama oo uu ku guuldarreystay dagaalka toddoba bilood jirsadey.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences