Maamulka SOMALIMEMO oo Umadda Soomaaliyeed Ugu Hambalyeeyay Bilashada Bisha Ramadaan.

Tuesday March 12, 2024 - 05:50:22
Somali Memo
Maamulka iyo howlwadeenada Shabakadda Islaamiga ah ee SomaliMeMo waxay umadda Soomaaliyeed dal iyo dibadba ugu hambalyaynayaan bilashada Bisha barakeysan ee Ramadaan 1445 Hijriya.
SOMALIMEMO waxay muslimiinta soomaaliyeed ku dhiiri gelinaysaa in ay ka faa’idaystaan Fadliga badan ee kujira bisha Ramadaan waana Fursad sanadkiiba hal mar nasoo marta " Hambalyo Ramadaan Kariim ayaan leenahay Shacabka Soomaaliyeed ee muslimka ah meel walba oo ay joogaan dal iyo dibadba,runtii waa bil dhammaanteedba ah kheyr iyo barako ayna haboontahay in fadligeeda laga faa'iideysto"ayaa lagu yiri war rasmi ah oo kasoo baxay shabakadda SOMALIMEMO .

Wariyaasha ka howlgalada SomaliMeMo ayaa shacabka Soomaaliyeed u rajeynaya in Alle dalka nooga xoureeyo ciidamada gumeysiga Itoobiya iyo kuwa kale ee Afrikaanta ah kuwaasi oo duullaan gardarra ah kusoo qaaday gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Bisha Ramadaan oo ah bil sadaqada la badiyo fadli dheeri ahna leh ayaan dadka hantida heysta ugu baaqaynaa in ay caawiyaan dadka fuqarada iyo masaakiinta ah iskuna naxariistaan.

Ugu dambeyn muslimiinta waxaan xusuusinaynaa in bisha Ramadaan ay tahay bil xasanaadka la-labalaabo waxaana si gaar ah muslimiinta uxuusinaynaa badinta akhrinta qur'aanka kariimka iyo tukashada salaadaha Taraawiixda iyo Tahajudka.

رمضان كريم

Maamulka SomaliMeMo

Related Items

Update cookies preferences