Dowladda Itoobiya oo Midowga Afrika ka dalbatay in magadhow lagasiiyo ciidamadii looga laayay Soomaaliya.

Monday November 27, 2023 - 16:54:10
Idriis Ali
War rasmi ah oo kasoo baxay xafiiska ciidanka difaaca dowladda Itoobiya ayaa ururka midowga Afrika looga dalbaday in uu lacag magdhow ah ka bixiyo askartii Itoobiya looga laayay dalka Soomaaliya.
Xukuumadda Addis Ababa waxay sheegtay in kumanaan askari looga dilay dalka Soomaaliya tan iyo sanaddii 2015-kii sidaas daraadeed ay doonayso lacago magdhow ah.

Warqad bilo ka kor loo qoray Ururka midowga Afrika qeybta Nabadda iyo ammaanka waxaa kasoo jawaabay guddiga dhaqaalaha Midowga Afrika kaasi oo Q.Midoobay usii gudbiyay dalabka Itoobiya ee ah in lasiiyo lacago magdhow ah.

Taliyaha ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya ku sugan ayaa gudbiyay liiska askarta laga dilay,dowladda Xabashida Itoobiya oo caan ku aheyd in ay qariso askarta uga halaagsantay dagaalka Soomaaliya ayaa hadda umuuqata mid banaanka keentay islamarkaana dhaqaale uga raadsanaysa waxa loogu yeero beesha caalamka.

Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa kumanaan askar Itoobiyaan ah ku laayay deegaanno dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya waxaana ugu dambeeyay weerarkii ka dhacay deegaanka Booco ee duleedka Rabdhuurre halkaas oo lagu dilay ugu yaraan 290 askari itoobiyaan ah.

Related Items

Update cookies preferences