Taageero intee la eg ayuu Mareykanku siiyay Yahuudda xasuuqa ka wadda Falasdiin? [Warbixin].

Saturday December 02, 2023 - 17:03:32
Idriis Ali
Wargayska responsible statecraft oo ka soo baxda wadanka maraykanka, islamar ahaantaana ah mid Electronic ah oo raac'san Macahadka Quincy ee Waashinton, ayaa wax ka qoray taageerada indha la'aaneed ee uu Maraykanka siiyo maamulka Yahuuda, ee xooga ku haysta dhulalka Musliminta ee Shaam.
Majaladu waxay sheegtay in Waashinton, ay Yahuudu siiso Kaalmo aan xadid'nayn oo aad uga badan inta ay Yahuudu kehesho dolwadaha kale ee gaalada ah, waxaana taageerada Maraykanka ee israa'il lagu qiyaasay $130 bilyan oo doolar.

Falanqayn uu wargaysku ku sameyay Taageerada Maraykanku siiyo maamulka isugu yeera Isra’iil, ayuu ku sheegay in Kayaanka Sahaayinada tan iyo Marki ila aas'aasay sanadkii 1948 uu si aad ah ugu tiirsanaa kaalmada Maraykanka, haday ahaan la hayd dhanka siyaasada, dhaqaalaha, iyo Melleteriga intaba, si ka daran taageerada dowladdaha kale ee Reegalbeedka, taa oo keentay in Teli Abiib ay Maraykanka ku tilmaamto xaliifkeeda ugu wayn uguna dhow dowladdaha kale.

Wargaysku wuxuu tusaale u soo qaatay dagaalkan hadda u dhexeeya Yahuuda iyo kooxaha Muqaawada, wuxuuna cadeeyey in Meleteriga gumaystaha uu adeegsaneyo hubka uu ugu deeqay Maraykanka, kaasi oo ay asbuucyadii la soo dhaafay ay u ku xasuuqeen kumanaan rayid ah oon waxba galabsan, ayna ku burburiyeen deegaano badan oo si dhamaystiran khariirada ugu baxay waana sida uu wargaysku sheegay.

Falanqyantan oo uu qalinka u qaatay agaasimaha wakaalada wararka ee Inter Press Service u qaabilsan xarunta QM, ninka lagu magacaabo Thalev Dean, ayuu ku sheegay in dhamaan taakulada Melleteri ee uu Maraykanka siiyo Yahuudu ay yihiin kuwo lacag la'aan ah, si ka duwan zaadka ciidan ee uu marayknaku siiyo dowladdaha kale caalamka.

Wuxuuna intaa raaciyay Thalev Dean, in taakuladan uu marayknaka Yahuudu u marsiiyo bar'naamijadiisa kala ah maalgelinta milatariga shisheeye, barnaamijka gargaarka Milletariga iyo barnaamijka agabka ciidan ee dheeriga ah.

Cilmi baaris uu sameeyay aqallka Koongarska Maraykanka, ayaa lagu sheegay in Kayaanka Sahaayinadu uu ahaa midka taageerada ugu badan mar waliba ka hela dowladooda, waana tan iyo wixii ka dambeeyay dagaalkii labaad ee aduunka.

Falanqaynta majaladda Maraykanka ayaa sidoo kale sheegtay, in machadka caalamiga ah ee cilmi baarista nabadda ee Stockholm uu daaha ka qaaday xogo daabacan oo sheegaysa, in 79% hubka loogu deeqay maamulka isugu yeeray Israa’iil muddadii u dhaxaysay 2018 iyo 2022 uu bixiyey Maraykanka.

Jarmalka ayaa galay kaalinta labaad isagoo Yahuuda siiya 20% hubka dibadda uga yimaada, halka Talyaanigu uu galay kaalinta saddexaad isagoona Yahuuda siiya 0.2% hubka ay dibadda ka hesho, , waana sida lagu sheegay warbixintan ay soo saartay majaladda Responsible Statecraft.

Qoraaga warbixintu waxa uu intaa ku daray, in Mareykanka ay wali tiirdhaxaad u tahay inuu taageero jooto ah ku bixiyo bad qabka iyo ammaanka Yuhuuda, laga soo bilaabo Harry Truman oo Maraykanka ka talineyay in tii u dhexaysay sanadihii 1949-1953, taas ayaana dhigan in Yahuudu ay taageerada Maraykanka ku naaloonayso mudo ka badan 70 sano oo xiriir ah.

Warbixnta majalada oo gaba gabo ku dhow, ayuu Marekanku ku qiranayaa xadi dhaqaale ee uga baxay taageerada maamulka isugu yeera Isra’iil, wexeyna waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka sheegtay in Yuhuuda la siiyey aduun lacageed oo gaaraya 140 bilyan, waana tan iyo markii la aas aasay kayaankan sahyuuniga ah.

Caalamka ayaa hada la amakaagsan taagdariga Yuhuuda, waxaana la’is weydiinayaa sidi fudud ee dhagta dhiiga loogu daray awoodii dhalanteedka ahayd ee caalamka laga gaday.

Related Items

Update cookies preferences