Dowladaha Niger iyo Burkina Faso oo isaga baxay isbahaysiga dowladaha Saaxilka Afrika ee G5.

Wednesday December 06, 2023 - 17:30:59
Idriis Ali
Wasaaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Niger ayaa gelinkii dambe ee maalintii shalay iclaamisay in ay ka fasakhatay heshiisyadii iskaashiga amniga iyo difaaca ee ay horay ulasaxiixatay ururka midowga Yurub iyadoona durbadiiba dowladda Niger ay heshiis melleteri lagashay dowlada Ruushka.
Taliska melleteriga ee xukumo Niger ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri ' xukuumadda Niger waxay iclaaminaysaa in aan ka fasakhanay heshiisyadii amni iyo kuwii difaac ee aan horay ula saxiixanay ururka midowga yurub, qararakan wuxuu si dhammeystiran meesha uga saarayaa dhammaan is fahamyadii ay horay ugaareen dhinacyada".

Tallaabadan ay qaadda xukuumadda curdunka Niger ayaa diraysa farriimo dhowr ah oo reergalbeedka usheegaya in aan looga baahneyn mandiqadda saaxilka, inkastoo weli aysan wax jawaab celin ah kasoo bixin dhanka ururka midowga yurub hadane shaki kuma jiro in ay ka caroodeen.

Midowga yurub iyo Niger ayaa hore ulahaa iskaashigo ku aaddan ladagaallanka jamaacaadka jihaadiga ah iyo in Niger uu celiyo qulqulka dadka tahriibayaasha ee kusii jeeda qaaradda yurub.

Niger ayaa marin u ah inta badan tahriibayaasha afrikaanta ee aada dhanka qaaradda Yurub.

Dhinaca kale oofwareen dhanka nufuudda ah ayaa markale usoo galay dowladda Faransiiska kadib markii ay dowlado muhiim ahaa ay isaga baxeen isbahaysigii ashahaadda ladirirka G5.

Warsaxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen dowladaha kala ah Burkina Faso iyo Niger ayay ku iclaamiyeen in ay isaga tageen taxaalufka ay ku midaysanyihiin 5ta dowladood waxayna G5 ku sheegeen gacmo uu shisheeye ku adeegto.

Lahjadda lagu qoray warsaxaafadeedka ayaa aad u adkaa iyadoona isbahaysigan lagu sheegayay mid gummeysi oo faransiisku dhisay, xukuumadaha Wagadugu iyo Niyaami waxay sheegeen in ay ku biireen mowqifkii Maali ay qaadatay bartamihii sanaddii 2022-kii kolkaas oo ay isaga insixaabtay taxaalufka G5 oo hadda umuuqda mid xanuunsan oo sariir saaran ayna suurtagal tahay in uu dhinto bilaha soo socda.

"Isbahaysiga G5 wuxuu halis ku ahaa aas-aaska sharci dowladaheena wuxuu halis ku yahay ammaanka iyo horumarka dowladaha mandiqadda saaxilka" ayaa lagu yiri bayaanka.

Burkina Faso iyo Niger waxay sheegeen in ka bixitaankooda G5 ay qeyb ka tahay in laga xoroobo haymanada Faransiiska.

taxaalufka G5 ayay dowladda Faransiiska dhistay sanaddii 2014-tii kolkaas oo ciidankeedu ay duullaan saliibi ah ku qabsadeen wadanka Maali, waxaana isbahaysigan lagu bixiyay lacago malaayiin dollar ah.

dowladaha ku bahoobay ayaa kala ahaa Moritaaniya,burkina Faso,Niger,Maali iyo Tashaad hadda waxaa isbahaysigii 5ta ka koobnaa ku haray Nawaakshood iyo Anjimeena waxaa lays weydiinayaa magac cusub miyaa ururkan loo sameyn doonaa maadaama 5tii dowladood ay 2 kaliya kusoo hareen mise dowlado cusub ayuu faransiisku qaab qoor qabad ah kusoo gelin doonaa.

Related Items

Update cookies preferences