Sidaan ayuu u dhacay weerarkii deegaanka Howdleey ee lagu dilay Shanta Askari [Sawirro].

Monday December 11, 2023 - 18:02:29
Idriis Ali
Xafiiska warfaafinta Al shabaab ayaa faafiyay sawirrada khasaarihii cuslaa ee maleeshiyaadka dowladda lagu gaarsiiyay deegaanka Howdleey duleedka degmada Ceeldheer gobolka Galguduud.
Ciidamada Wilaayada Islaamiga Galguduud ayaa shalay  weerar qorshaysan ka fuliyay deegaanka Howdleey oo qiyaasii 65Km degmada Ceeldheer uga beegan dhanka xeebta.

Weerarkaas waxaa lagu dilay 5 askari oo mid kamida uu ahaa sarkaalkii hoggaaminayay maleeshiyaadkii goobta ku sugnaa.

Saraakiisha ladilay waxaa kamid ahaa nin lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Shambleey oo madax u ahaa maleeshiyaadka burcadda ah ee isbaarada udhigan jiray gaadiidka isticmaala waddooyinka dhanka xeebta ku teedsan.

Sawirrada lafaafiyay waxaa kasoo muuqanaya dagaalyahannada jihaadiga ah oo baacsanaya maleeshiyaadka Macaawisleyd iyo meydad daadsan deegaanka lagu dagaallamay.

Related Items

Update cookies preferences