Dhaqaalaha shirkadaha ugu caansan Mareykanka oo dhulka ku hoobtay kadib markii ay taageereen duullaanka Yahuudda

Monday December 11, 2023 - 16:11:10
Idriis Ali
Tan iyo markii uu bilowday howgalka duufaanta Al- Aqsa, oo maanta laga joogo mudda gaareysa ilaa shan iyo lidxdan maalmood oo xiriir ah, waxaa marba marka ka dambeysa soo ifbaxayey shaqsiyaad fara badan misana milyaneera ah kuwaas oo sheegaya iney taageero buuxa lagarab taaganyihiin kayaanka sahyuuniga ah.
Waxaa sidoo kale xusid mudan meeshana aan ka marneen shirkado waaweyn oo taageero hiil iyo huubo u fidiyey askarta Yuhuuda, kuwaas maanta wajahaya musal kii ugu xumaa noloshooda, waana meesha ay warbixinteenu daarantahay.

Tan iyo 7 Octobar 2023 oo ah xilliga ay bilaabatay cabaliyada duufaanta Al-Aqsa, shirkado badan oo laga leeyahay wadamada reer galbeedka iyo Mareykanka, kuwaas oo soo saara agab kala duwan sida cunada iyo dareeska, ayey warbaahinadu soo tabinayeen iyagoo agab free ah siinaya askarta Yuhuuda ee dhalaanka iyo waayeelka ku xasuuqaya gudaha dalka Filistiin.

Marki uu arinkaasi si adag ugu faafay baraha Internrt-ka, waxaa durbadiiba bilowday kacdoono waaweyn oo looga soo horjeedo Companiyadan, malaayiinka muslimiinta ah ee macaaliisha u ahaa shirkadahan ayaana soo duubayey muuqaallo, waliba iyagoo bur burinaya alaabaha ay soo saaraan.

Mid kamid ah shirkadahan waa Mcdonal, waa shirkad fadhigeedu uu yahaya dalka Mareykanka, sameysana cunooyinka fudud ee loo yaqaano Fast Food-ka, waxayna taariikhuhu sheegayaan inuu yahya Kombaniga ugu weyn dunida ee xaga soo saarida cunooyinka fudud.

Kambanigan ayaa cunooyin Free ah oo baakadeysan u geeyey Yuhuuda furimaha dagaalka ku jirta, isagoona sheegay in taageeradaan ay la garab taagnaan doonaan inti uu soo gaba gaboobayo dagaalkan.

Saacado kama soo wareegan arinkaas, waxaa markiiba baraha ay bulshada kuwada xiriirta qabsaday muuqaallo loogo maanacayo alaabaha shirkadan, halka qaar kale oo muslimiin ahna ay wadooyinka ku bur burinayeen agabyo kala duwan oo ay soo saartay Macdonall.

Waxaa shirkadan intaasi u dheer weerarada ay kala kulmeyso musliinta, xarumo badan oo uu kambanigan ku leeyahay daafaha caalamka ayaa lagu qaaday weeraro xoogan, waxaana kamid ah weerarkii lagu asakeeyey xarunta Macdonal ee dalka Turkiga, halkaas oo ay ka dhacday arin dhaqaale bur bur ku noqotay kambanigan.

Sidoo kale xarumaha qaar ee ay shirkadan ku leedahay wadamada islaamka, ayaa hada qarka u saaran iney ka guuran maadaamada aysan jirin cid wax ka iibsaneysa, dadkuna ay ku baraarugeen cadaawadooda guracan.

Macdonal ayaana mudada uu socdo dagaalkan khasaartay, aduun lacageed oo kor u dhaafaya ilaa 1 bilyan oo doolarka Mareykanka ah, wuxuuna Chris Kempczinski oo ah maamulaha guud ee shirkadana, waa mid ka qoomameenaya tageeradi uu u fidiyey kayaanka sahyuuniga ah ee dulaanka ku jooga dhulka barakeysan ee Filistiin.


Shirkadaha musalafay kadib taageeradoodii ay u muujiyeen Yuuda waxaa sidoo kale mid ah, shirka Star Backs oo iyadana laga leeyahay dalka Mareykanka, waa kambani sameeya kafeyga loo qaato xarumaha shaqada iyo guryahay.

Wuxuu todobadii ogtoobar kombanigan banaanka keensaday cadaawada muslimiinta iyo taageerada indha la’aanta ah ee uu u hayo maamulka Yuuhda, wuxuuna aqagb free ku qarqiyey askarta gumaadka ku haya haweenka iyo waayeelada reer Qaza.

Waxaa arinkaas kadib wadamo badan ka bilowday bur burinta agab shirkada Star Bucks, barta twiterka ayaana lagu arkayey muuqaalo fara badan dad intey galaab gudhaa shirkada, iska dhigaan kuwa wax iibsanaya koobta kadibna ay yiraahdaan hadalo jees jees ah.

Shirkadan ayaa tan iyo 7 cotoobar ceyrisay shaqaala fara badan, maadaamada uu hoos u dhac balaaran ku yimid wax soo saarka shirkada, lana xiray xarumo badan oo Star Buck ay ku leheed daafaha caalamka.

Waxayna xoga soo tabinayaan in kambanigan uu hada xaalkiisu marayo, qofkii gata hal coffe ah in loogu daro mid lacag la’aan ah, taas oo ku tusineysa heerka dhaqaale xumi ay gaartay mid shirkadan, oo kamid ahayd kuwa ugu tunka weyn caalamka.

Kuwan waa qaar kamid ah masiirka shirkado badan oo taageera u fidiyey Yuhuuda, balse marki dambe ogaaday in waxa ugu badan ay ku dhisnaayeenba ay ahayd wax ka iibsigan muslimiinta, hadana ay ka qoomameynayaan taageeradii ay u fideen cadawga horarka ku ah dhulka reer Filistiin.

Related Items

Update cookies preferences