Jabhadaha Mucaaradka Itoobiya oo go'doomiyay waddooyinka ugu muhiimsan ee magaalada Addis Ababa.

Sunday January 07, 2024 - 17:36:02
Idriis Ali
Wararka ka imaanaya itoobiya ayaa sheegaya in maleeshiyaadka mucaaradka Oromada ay hareerayn adag ku hayaan dhowr caasimad goboleed iyo jihooyin katirsan magaalada Addis Ababa.
Waxaa hakad kujira inta badan isku socodka gaadiidka xamuulka ee ka ambabaxa caasimadda itoobiya badeecadahana uqaada gobollada kala duwan.

Amar ay soo rogeen kooxda OLA ayaa dhaqan galay kadib markii ay toogasho ku dileen 7 darawal oo isku dayay in ay diidaan amarka mucaaradka ee ah in aan la isticmaali karin wadada xiriirisa magaalooyinka Jiima iyo Addis Ababa, boqolaal gaadiid ah oo sida badeecado kala duwan ayaa ku xaniban duleedka Addis Ababa kadib markii laga mamnuucay in ay waddooyinka maraan.

Amarkan ayaa saameeyay nolosha malaayiin qof Itoobiyaan ah oo noloshoodu kutiirsaneed gaadiidka ka baxa Addis Ababa iyo kuwa soo gala,ganacsatada waaweyn ee gobollada ayaa sheegay in ay ka walaacsanyihin mustaqbalka ganacsigooda haddii ay sii socdaan dagaallada udhaxeeya OLA iyo dowladda Abiy Axmed.

Tallaabadan ay qaadeen dagaalyahannada mucaaradka oo dhaqan gal noqday waxkabadan isbuuc ayaa sababay in ay xirmaan waddooyinka magaalooyinka muhiimkaah

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in amarka ay soo rogtay jabhadda OLA uu salka ku hayo arrimo dhaqaale iyo taxaddi adag oo ay lagelayso dowladda, OLA ayaa doonaysa in ay hesho canshuur udhiganta midda ay wasaaradda maaliyadda itoobiya ka qaadato ganacsatada.

In gaadiidkii isaga kala gooshi jiray magaalooyinka waaweyn ay hakad geliyaan kooxaha mucaaradka ciidanka Itoobiyana uusan waxba ka qaban karin ayaa muujinaysa taakdarida ciidanka xabashida oo mar sheegan jiray mid ugu awoodda badan geeska Afrika

Related Items

Update cookies preferences