Madaxweynaha Masar oo dhaleeceeyay heshiiskii Itoobiya loogu saxiixay badda Soomaaliya.

Sunday January 21, 2024 - 17:28:34
Idriis Ali
Hoggaamiyaha dowladda Masar ayaa markii ugu horraysay sheegay in aysan aqbali doonin dhaqan gelinta heshiiskii horraantii bishan dhamxaray Abiy Axmed iyo Muuse Biixi.
Cabdifataax Alsiisi oo magaalada Al Qaahira kulan kula qaatay Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay in Masar ay kasoo horjeedo faragelin lagusameeyo arrimaha daakhiliga Soomaaliya isagoona DFS uballan qaaday in uu taageero dhan walba ah kasiin doono caqabadaha ku horgudban.

Alsiisi wuxuu taageeray in dowladda Itoobiya dekad lagasiiyo xeebaha Soomaaliya iyadoo heshiis lagelayso dowladda Federaalka balse wuxuu diiday in Addis Ababa ay heshiis lagasho maamulka Somaliland.

"Soomaaliya waa dowlad Carab ah oo xuquuq ku leh heshiiska Jaamacadda Carabta waxaana ka dhaxeeya iskaashi difaac, Masar ma ogolaanayso wax taabanaya amniga Soomaaliya ama halis gelinaya walaalaheen hadday faragelin naga codsadaan waan taageeraynaa" ayuu yiri madaxweynaha Masar.

Xiisado diblumaasiyadeed ayaa soo kala dhaxgalay xukuumadaha Addis Ababa iyo Al Qaahira tan iyo markii ay Masaaridu isaga baxeen wadahadalladii ku aadanaa biya xireenka Niil.

Related Items

Update cookies preferences