Maamulka SOMALIMEMO oo dhaleeceeyay beegsiga lagu hayo warbaahinta Islaamiga ah [Bayaan].

Friday February 02, 2024 - 14:44:00
Idriis Ali
ALLAH SWT ayaa ku mahadsan in Shabakadda Wararka ee SOMALIMEMO ay sanadkii 14aad gashay iyadoo ay howladeenadeenu ku shaqeynayaan duruufo kala duwan, ayna usoo tabinayaan Umadda Soomaaliyeed -dal & dibad- xaaladaha ka jira dalka hooyo.
Halku dhiggeena ah "WARARKA SUGAN EE DUNIDA IYO DALKA HOOYO" ayaa astaan u ah howsha aan u heyno bulshada Afka Soomaaliga ku hadasha ee aad u daneyneysa in ay la socoto isbadallada siyaasadda dalka, horumarka ganacsiga, caqabadaha iyo dhibaatooyinka jira, iwm.

Gudaha Soomaaliya in laga helo "WARAR SUGAN" ayaa u baahan halgan adag, in wararkaas hadane si tifaftiran Umadda loogu soo gudbiyo ayaa u sii baahan halgan kale, waxaana dhihi karnaa in howlwadeennada Shabakadda SOMALIMEMO ay si muuqato uga soo baxeen labada halgan, ayna ka miro dhaliyeen.

Shabakadda SOMALIMEMO waxay 10 sanadood ka hor isu-taagtay iney buuxiso kaalin warbaahineed oo Soomaalidu tabeysay, maqaam saxaafadeed oo aad loogu oon-qabay iyo Saxaafad si dhiifoon uga hadasha, una soo gudbisa dhacdooyinka dalka Hooyo.

Waan ogeyn in cawaaqibta arrimahaas ay adkaan doonto; sababtoo ah dalka ayaa ku jira gacan shisheeye oo aan marna dooneyn bulshada Soomaaliyeed in ay ogaato masawirka dhabta ah ee xaaladda dadka iyo dalka.

Mahadi ha ka gaartee -ALLAH- ka dib, howlwadeenka Sare ee Shabakadda SOMALIMEMO ayaa u jeexay mareegtan siyaasad warfidineed oo qallooc iyo xeyf laheyn, si toos ah u abbaarta xaqiiqda iyadoo bulshada Soomaaliyeed ee gudaha iyo kuwa qurbaha ka haqabtireysa baahida ay mar waliba u qabaan wararka dalkooda Hooyo.

Waxaan kale oo u mahad-celineynaa bulsho weynta SoomaaliWeyn meel kasta oo dunida dacalladeeda ay ka joogaan, aqoonyahannada, Asaatidada, Waxgaradka, Culimada iyo Ardayda oo nala wadaagayay talooyinka dhaxalgalka ah ee horumarinta Shabakadda, isla markaana nagu dhiiro-gelinayay howsha aan u heyno shacabka Soomaaliyeed.

Dhiiro-gelintaas ayaa sababtay in Shabakadda SOMALIMEMO ay howsheedii wararka ku soo darto adeegyada kale ee bulshadu u baahan tahay, sida Dhiiro-gelinta Ganacsatada & Ganacsiga dalka iyo Waxbarashada.

Xilligan oo Shabakaddeenu ay 14 sano jirsatay waxaan adkeyneynaa oo ku celineynaa Siyaasadda aan ugu adeegno Umadda Soomaaliyeed.

1-Shabakadda SOMALIMEMO waa qalab warbaahineed oo madax banaan, una taagan soo gudbinta wararka sugan ee dunida iyo dalka hooyo, iyadoo dhowreysa anshaxa saxaafadda.

2-Shabakadda SOMALIMEMO ma hoos tagto Urur, Koox, Dawlad ama dhinac ka mid ah dhinacyada siyaasadda Soomaaliya, sidaas darteed:-
·Warbaahinada Caalamiga ah ee soo xiganaya Shabakadda SOMALIMEMO waxaan ku tartarsiineynaa ineysan inoo tiirin war ama xog aan inagu aheyn "Isha" ama "Source-ga" saxda ah ee warkaas.

·Shabakaddeenu ma matasho, mana ku hadasho afka Xarakada Al-Shabaab ee Soomaaliya.

3-Shabakadda SOMALIMEMO waa minbar ay Soomaali leedahay, una furan bulshada Soomaaliyeed, waxaana soo dhaweyneynaa qoraallada aqoonyahannada iyo fikradda dadka nala soo xiriira.

4-Marna kama waabaneyno howsha aan u heyno bulshada Soomaaliyeed, inagoo dusha u ridaneyna taxaddiyada hor taagan howlaheena.

SOMALIMEMO waxay dhaleecaynaysaa falalka gurrucan ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku beegsanayso warbaahinta islaamiga ah falkaas oo halis ku ah xoriyadda hadalka, suurtagal ma ahan in dalku yeesho hal warbaahin oo raacsan Xisbiga talada haya waa in lahelaa warbaahin ka tarjumi karta xaqiida jira tooshkana ku ifin karta dhibaatada bulshada haysata.

Waxaan beeninaynaa warka kasoo baxay NISA ee ah in dowladdu ay xirtay domainno ay ku shaqeynaysay shabakadda SOMALIMEMO.

Wabillaahi Towfiiq

2,2,2024
21,Rajab 1445

Related Items

Update cookies preferences