Diyaarado laga leeyahay Qadar iyo Itoobiya oo ku sigtay in ay iskula dhacaan hawada Soomaaliya.

Sunday February 25, 2024 - 08:24:55
Liibaan Jeexoow
Jiha wareerka ka taagan maamulka hawada Soomaaliya ayaa sababi gaaray in ay isku dhacaan laba kamid ah diyaaradaha ugu caansan ee duulimaadyada ku yimaad qaar kamid ah magaalooyinka dalka.
Diyaaradaha Qatar Airways iyo Ethipian Airlines ayaa amarro khaldan oo iskasoo horjeeda lasiiyay xilli ay ku duulayeen hawada dalka Soomaaliya.

Mas'uul u hadlay shirkadda duulimaadyada Qadar ayaa sheegay in mid kamida diyaaradahooda oo kusii jeeday magaalada Entebbe ee dalka Uganda balse ku duulaysay hawada Soomaaliya ay maamulayaasha garoonka Muqdisho siiyeen amar ah in ay hoos usoo daadegto fogaan dhan 38000 Feet balse daqiiqado kadib ayay isla maamulayaasha garoonka Muqdisho amar kale siiyeen diyaarad weyn oo ay laheyd shirkadda duulimaadka Itoobiya waxayna usheegeen in ay hoos usoo daadegto fogaan dhan 40,000 Feet arrinkaas oo sababi gaaray isku dhac weyn oo khasaara dhalin lahaa.

awaamirta ay maamullada Hargeysa iyo Muqdisho siiyaan diyaaradaha isticmaalaya hawada Soomaaliya ayaa dhaliyay jiha wareer soo wajahay duulimaadyada caalamiga ah.

Related Items

Update cookies preferences