Hay'adda Human Rights Watch oo cambaaraysay tallaabada ay Itoobiya kusii daysay Cabdi Ileey.

Sunday March 17, 2024 - 15:28:35
Liibaan Jeexoow
Isbuucii lasoo dhaafay dowladda Xabashida Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in ay xabsiyada kasii daysay siyaasiyiin horay xilal kala duwan usoo qabtay kuwaas oo loo haystay falal dambiyeedyo kala duwan.
Siyaasiyiinta lasii daayay waxaa kamid ah Cabdi Maxamed Cumar oo loo yaqaan Cabdi Ileey kaasi oo soo noqday madaxweynaha maamulka loo yaqaan Dowlad deegaanka Soomaalida waana maamul ay dhistay Itoobiya.

Wasaaradda cadaaladda xukuumadda Abiy Axmed ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in dhammaan eedaymihii loo heystay Cabdi Ileey lalaalay iyadoo la eegayo maslaxadda guud ee Itoobiya.

Xukuumadda Addis Ababa ayaa Cabdi Illeey ku sifeysay nin aan wax dambi ah laheyn, hay'adaha sheegta xuquuqul insaanka ayaa durbadiiba dhaleeceeyay tallaabada xabsiga loogasii daayay Cabdi Ileey oo kumanaan kun shacab ah ku xasuuqay dhulka Soomaaligalbeed.

Laetitia Bader oo ah madaxa hay'adda Human Rights Watch ee bariga Afrika ayaa dhaleecaysay tallaabada lagusii daayay Cabdi Ileey maadaama loo heysto dambi laxiriira xadgudubyo ka dhan ah shacabka Soomaaligalbeed.

"Tallaabada lagusii daayay Cabdi Ileey madaxweynihii hore ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya kadib waxkabadan 5 sano oo uu xirnaa ayaa ka dhigan mid looga fakinayo ciqaabta dambiyadii ay geystaan mas'uuliyiintii ugu sarraysay maamulka" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay hay'adda Human Rights Watch.

Cabdi Ileey ayaa isagoo wakiil ka ah Males Zenawi R/wasaarihii hore ee dalka Itoobiya wuxuu dhulka Soomaaligalbeed ka gaystay xasuuq bahalnimo ah oo ka dhan ah dadka shacabka ah intii udhaxaysay sanadihii 2006-2018.

Ninkan lasii daayay ayaa dhisay maleeshiyaadka loo yaqaan Liyuu Booliska ee shacabka badan ku laayay Soomaaligalbeed, Cabdi Ileey ayaa magaalada Jigjiga ka dhisay xabsigii fadeexadda ku caanbaxay ee loo yaqiin Jeel Ogaadeen

Related Items

Update cookies preferences