Wargeyska Washington Post oo xaqiijiyay in diyaaradaha Turkiga ay xasuuq ka geysteen Soomaaliya [Warbixin].

Wednesday March 20, 2024 - 15:25:15
Liibaan Jeexoow
Wargeyska Washington post ee fadhigiisu yahay carriga Maraykanka, ayaa maqaal ka qoray duqayntii wuxuushbimo ee ay diyaaradaha dowladda Turkigu ka gaysteen deegaanka Baghdaad ee hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose. halkaas oo ay ku dileen inka badan 21 qof shacab ah.
isaga oo soo xiganaya dad goobjoogeyaal ah oo qaraabo dhow la ah dadka shacabka ah ee la laayay iyo saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka DF-ka ee fadhigeedu yahay Muqdisho ayaa sheegay in duqayntan ay ku dhinteen inka badan 22 qof oo rayid ah halka ay ku dhaawacmeen 21 kale kuwaas oo uu wargeysku xaqiijiyay in ay u badnaayeen carruur aan waxba galabsan.

Washington post ayaa laba sarkaal oo ka tirsan hayadaha ammaanka dowladda Federaalka kasoo xigtay in duqeynta ay fulisay diyaarad nooca Drones-ka ah oo laga leeyahay dalka Turkiga.

Wuxuu wargeysku intaas ku daray isagoo soo xiganaya Daa’uud Xasan Maxamed oo goobjoog u ahaa dhacdada kana mid ah ehellada dadka la laayay in duqaynta koowaad ay ka dhacday Baghdaad oo 7 Km u jirta Alifow oo waqooyi bari ka xigta Muqdisho. wuxuu intaas kusii daray in dadkii ka badbaaday duqaynta koowaad ay markale Turkigu ku beegsadeen duqaymo kale, kuwaas oo sababay in ay dad badan dhintaan.

Daa’uud Xasan Maxamed ayaa wargayska Washington post ku yiri :"Waxa jiray hal weerar oo dhanka cirka ah oo lala beegsaday dadka dhibanayaasha ah balse markii ay dadku billaabeen inay ka yaacaan goobta si ay u badbaadiyaan naftooda, waxay isla dadkaasi la kulmeen duqeymo kale oo xagga cirka ah,Waxa dhacayna waxay ahaayeen xasuuq”.

Wargeyska ayaa sidoo kale warbixintiisa ku sheegay in dadka rayidka ee la laayay ay ka mid ahaayeen 15 carruur ah iyo dhowr xubnood oo haween ah, dadka ku dhaawacmay xasuuqan wuxuushnimo ayuu sheegay in caafimaad ahaan loogu qaaday Cisbitaalka Madiina ee kuyaal Magaalada Muqdisho.

Cabdulqaadir Mayow, ayaa ka mid ah dadka ehellada ee uu soo xiganayo Washington Post, Cabdulqaadir ayaa isagoo ku sugan cisbitaal madiina u sheegay wargayska in dadka ku dhaawacmay xasuuqan ay ka mid tahay gabar 4 sano jir ah oo kaligeed ka badbaaday qoyskeeda, dadka dhaawacyadoodu aadka u daranyihiin ayuu Cabdulqaadir ku sheegay in ay yihiin shan carruur ah iyo laba dumar ah.

Mid ka mid ah ragga uu soo xiganayo wargayska ayaa yiri:"Aniga waxaan ku dhashay, kuna soo barbaaray deegaanka ay duqayntu ka dhacday, balse markii uu xasuuqani dhacayay waxaan ku sugnaa magaalada Muqdisho, Ma jirto wax sabab u ah xasuuqa aan loo meel dayin ee dhacay xalay. dadkan waxay ahaayeen kuwa adkeysta abaaraha, daadadka iyo colaadaha”, ayuu yiri.

Washington post ayaa sheegay in deegaannada ay duqayntu ka dhacday aysan ka jirin wax dagaal ah, balse si bareer ah loo beegsaday dad rayid ah oo aan waxba galabsan, wuxuu sidoo kale wargaysku soo hadal qaaday faragelinta uu Turkigu ku hayo Soomaaliya, sida in uu la wareegay ilihii dhaqaale ee dalka sida dekadda iyo Airpor-ka Muqdisho, sidoo kalena uu dalka ka dhistay saldhiggiisa ugu wayn marka loo eego dalalka dibadda.

Wargayska ayaa dhanka kale sheegay in afhayeenad u hadashay taliska ciidamada Maraykanka ee qaaradda Africa ay sheegtay in Mareykanka uusan wax duqayn ah ka gaysan deegaannadaas kaddib markii ay dowladda Federaalka ay sheegtay in duqaynta ay ka dambeeyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dowladaha taageera.

Arrinta xusidda mudan ayaa ah in ay kala hadashay dowladda Xasan Sheekh, shalay bayaan kasoo baxay wasaaradda Warfaafinta waxaa lagu sheegtay weerarka iyadoo lagu yiri waxaa lagu laayay 39 katirsan dagaalyahannada Argagaxisa Al Shabaab balse saraakiil uhadlay amniga DF-ka ayaa warbaahinta reergalbeedka uxaqiijiyay in duqeynta ay fuliyeen diyaaradaha Turkiga waxa lalaayayna ay shacab yihiin.

Isha warbixinta

Related Items

Update cookies preferences