Muuse Biixi oo kulan la yeeshay Cabdiraxmaan Cirro iyo Daahir Riyaale.

Wednesday March 20, 2024 - 10:03:13
Liibaan Jeexoow
Madaxweynaha maamulka isku magacaabey Somaliland ayaa kulan la yeeshay Musharraxa Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani iyo madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Riyaale.
Kulankan oo la sheegay in uu qaban qaabadiisa lahaa Daahir Riyaale ayaa lagu gorfeeyay xaaladda siyaasadeed iyo midda doorashooyin ee maamulkaas. Qodobbo dhowr ah ayaana ka soo baxey kulankan sida lagu soo warramayo.

Qodobbada lagu heshiiyey waxa kamid ah;
1: in meel looga soo wada jeesto "cadowga Somaliland”
2: in ololaha doorashada lagu galo si bilaa turxaan ah.
3: in natiijada ka soo baxda doorashada la aqbalo oo loo hoggaansamo.
4: in xisbiyada maamulkaasi kulammo qabsadaan ay ku gorfeynayaan doorashada.

Maamulka Somaliland dhawaan waxa hareeyay khilaafyo siyaasi ah iyo dagaallo kuwaas oo sababey in laga saaro magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences