Turkiga oo sheegay in uu joojinayo wax kamida badeecadihii uu u dhoofin jirey Yuhuudda.

Thursday April 11, 2024 - 13:00:09
Liibaan Jeexoow
Xukuumadda Ankara ayaa sheegtay in ay joojinayso bar kamida badeecadihii/agabkii ay u dhoofin jirtey Israel. Go'aanka Turkiga ayaa soo baxey shaley Salaasadii. Iibka badeecadahan ayaa shuruud looga dhigayo in la joojiyo dagaalka ka socda Marinka Qaza.
Warmurtiyeed ay soo saartey Wasaaradda Ganacsiga ee Turkiga ayaa lagu yiri "Qaraarka xukuumadda Turkigu ku joojinayso wax kamida alaabooyinkii loo dhoofin jirey Israel ayaa gaaraya illaa 54 badeecadood oo ay kamid yihiin Sibidhka/shamiitada, biraha dhismaha, jaandiga fidsan, marmarka iyo alaabo kale”.

Warmurtiyeedka ayaa lagu sheegay in Turkigu aanu muddo dheer Yuhuudda ka iibin alaabo loo adeegsan karo gacan ka hadal. Waxa kale oo xukuumadda uu hoggaamiyo Erdogan sheegtay in joojinta alaabahani ay ku xiran yihiin keliya inta Yuhuuddu oggolaaneyso in marinno gargaar loo furo dadka reer Falastiin ee dhibaateysan iyo waliba in la sameeyo xabbad joojin.

Tirada dadka ku shahiiddey duqeymaha aan loo meel dayaynin ee Yuhuudda ayaa gaarey 33kun oo qof tan iyo maalintii 7 October, 2023. Gaajada iyo baahida ka jirta dhulka Falastiin.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences