Hoggaamiyaha Suudaan oo sheegay in aaney wadahadal la fureyn kooxda RSF.

Saturday April 13, 2024 - 11:41:32
Liibaan Jeexoow
Hoggaamiyaha Golaha Sare ee Suudaan isla markaana ah Taliyaha Guud ee Ciidamada Sudan Cabdifataax Burhaan ayaa sheegay in aaney marnaba suuro gal ahayn in wadahadal lala furo kooxda RSF maaddaama oo uu dagaalku socdo.
Alburhaan oo shaley Jimcihii warfidiyeenka la hadley waxa uu ganafka ku dhuftey wadahadal dhexmara iyaga iyo xoogagga Gurmadka degdegga ah.

Burhaan mar uu la hadlayey taliska Waadi Sayidnaa ee Galbeedka Khartuum waxa uu ka dhawaajiyey in inta dagaalku socdo aaney macquul ahayn xiwaar dhexmara labada dhinac.

"Inta dagaalku socdo isla markaana ay jiraan guryo xoog lagu haysto oo muwaadiniin leeyihiin kuna kala yaalla gobolka Daarfuur ee galbeedka waddanka, caasimadda Khartuum iyo bartamaha oo ah gobolka Al Jazeera cidna wada xaajood la geli mayno” ayuu yiri

"Haddii malleeshiyadani ay wadahadal diyaar u yihiin waa in ay marka hore ka baxaan magaalooyinka oo ay isku urursadaan goobo xaddidan” Alburhaan
Waxa kale oo uu xusey in dhankooda ay ku taagan yihiin heshiiskii Jidda balse dhanka kale weli aaney fulin qodobadii heshiisku dhigayey.

Wadahadalladii Jidda ee Sucuudiga iyo Mareykanku qorshihiisa lahaayeen ayaa dhacey 11-kii bishii May ee sannadkii la soo dhaafey kaas oo qodobbadiisa ay kamid ahaayeen in la ilaaliyo dadka shacabka ah. Heshiiska ka dib waxa dhinacyadu isu jeediyeen eedaymo.

Dagaalka Suudaan waxa uu bilaabmey bartamihii bishii April ee sannadkii ina dhaafey waxa aanu dagaalkaasi ka tagey dhimashada dad lagu qiyaasey 13,900 oo qof isla markaana waxa dibedda waddanka u barakacey ilaa 8milyan oo qoxooti ah sida ay sheegtay hay’adda QM.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences