Sanad kadib dagaalka Suudaan Burbur xooggan oo laga dareemayo magaalooyinka waaweyn [Sawirro+Warbixin].

Tuesday April 16, 2024 - 13:33:06
Liibaan Jeexoow
Loollanka melleteri ee wadanka suudaan waxaa usoo xirmay sanadkiisi 1aad wuxuu gelayaa fasal cusub oo aan la ogeyn cidda ay guushu raaci doonto.
15 Apriil 2023 ayay xabaddii ugu horraysay ka bilaabatay xaafado katirsan magaalada Khurduum gaar ahaan xarumaha waaweyn ee dowladda.

Dagaalkan ayaa ku billaawday isku day inqilaab melleteri ah oo uu damacsanaa Maxamed Xamdaan Daqluu oo ah hoggaamiyaha maleeshiyaadka Janjawiidka ee loogu yeero RSF kuwaas oo gacan saar dhow laleh dowladda dabadhilifka Imaaraatka Carabta.

Maalmihii ugu horreeyay ee colaadda ayay maleeshiyaadka daacadda u ah dowladda imaaraatka Carabta taqadum ballaaran ka sameeyeen dagaalka iyagoo lawareegay intabadan xarumaha dowladda sida Raadiyaha,Telefeshinka iyo xarunta taliska ciidanka Suudaan taas oo ka dhigneed in qeyb ahaan ay lawareegeen xarumihii siyaadada wadanka balse rogaal celin lama filaan ah oo ay sameeyeen ciidamada melleteriga ee daacadda u ah Jeneraal Cabdifataax Alburhaan ayaa sababtay in dib looga qabsado intabadan xarumaha dowladda.

Sedax bilood oo ay dagaallo culus ka socdeen sedaxda magaalo ee ay ka koobantahay caasimadda Alkharduum ayay ciidamada dowladda lawareegeen gacan ku heynta qasriga madaxtooyada iyo dhismaha taliska ciidanka oo udhigma wasaaradda difaaca wadanka.

Dhacdooyinka Suudaan ayaa isbedbedelayay sanadkii lasoo dhaafay ee ay dagaalladu socdeen, waxaa fashil kusoo idlaaday isku dayo dhowr ah oo lagu heshiisiinayay labada dhinac ee dagaallamaya, dowladda Aala sacuud ayaa martigelisay kulankii ugu horreeyay ee lagu dhax dhaxaadinayay dowladda suudaan iyo hogaamiyaha kooxda taageerada degdegga ah (Dacmu Sariic).

Warbaahinta reergalbeedka oo soo xiganaysa ilo sirdoon ayaa faafisay in hoggaamiyaha Janjawiidka uu damacsanaa inqilaan aan dhiigbadan ku daadan uu uu talada kula wareego balse xabaddii ugu horraysay ee ay maleeshiyaadkiisu rideen ayaa isku bedeshay dagaal laayaan ah oo fashilisay qorshayaashiisi.

Dowladda imaaraatka Carabta ayaa Maxamed xamdaan ku taageertay maal,melleteri iyo tababarayaal calooshood ushaqeystayaal ah kuwaas oo fadhigoodu yahay dalka Jaad ee dariska la ah wadanka Suudaan.

Sababaha ugu muhiimsan ee dhicisaysay inqilaabka hoggaamiyaha RSF ayaa lagu sheegay melleteriga suudaan oo aan kala qeybsamin hoggaan iyo ciidan, sidoo kale waxaa kamid ah saraakiisha inqilaabka sameeyay oo ku dhacay khalad weyn oo ah in ay qabsan waayaan saldhigga melleteri ee Waadi Sayidnaa, saldhiggan waxaa ku dhaxyaal garoonka ugu weyn ee ay ka haadaan diyaaradaha dagaalka ciidanka cirka suudaan, waa saldhig laga koonataroolo sedaxda magaalo ee ay caasimaddu ka koobantahay kuwaas oo kala ah alkhurduum,khurduum Baxri iyo Umudurmaan.

Taariikhda inqilaabyadii soo maray suudaan guushooda waxaa halbeeg u ahaa cidda qabsata saldhigga iyo garoonka waadi sayidnaa oo ay yaallaan intabadan diyaaradaha dagaalka suudaan iyo gaadiidka gaashaaman oo ay adagtahay in ay ka libin keenaan maleeshiyaad adeegsanaya hubka fudud iyo gaadiidka Tiknikada.

Cawaamisha kale ee keenay fashilka waxaa kamid ah kooxda Dacmu Sariic oo aan helin taageerada saraakiisha ugu sarraysa ciidanka suudaan kuwaas oo lasaftay jeneraal Cabdi fataax Alburhaan, mas'uuliyiin horay uga tirsanaa dowladda Suudaan oo sanad kadib ka sheekeeyay sida uu ku bilaawday dagaalka wadankaas ayaa sheegay in saraakiisha melleteriga ay qaateen waxa ay ku sifeeyeen mowqif dahabi ah kadib markii ay iska diideen lacago boqolaal kun oo dollaar ah in ay ku iibsadaan ciidamada iyo hubka dowladda.

Haddii aan usoo laabano saldhigga waadi Sayidnaa wuxuu ciidamada jeneraal alburhaan usuurtageliyay in ay hoggaanka mubaadarada dagaalka lawareegaan, wuxuuna saldhigga marti geliyay diyaaradaha Drones-ka Iiraan iyo Yukreyn kuwaas oo carqaladeeyay dhaq dhaqaaqyadii dagaal ee ay sameynayeeyn maleeshiyaadka mucaaradka.

Saldhiggan wuxuu kuyaal goob istiraatiiji ah waxaana si mubaashar ah u hoos imaanaya sedaxda magaalo ee ay caasimaddu ka koobantahay, riwaayadaha qaar waxay sheegayaan in intabadan ciidamada sirdoonka ee dowladda suudaan ay ku dhaxjireen mucaaradka ayna basaasayeen dhammaan dhaq dhaqaaqyada melleteri ee RSF ayna soo gudbinayeen qorshayaashooda shaqo arrinkaas oo maslaxad weyn u aheyd jeneraal alburhaan.

Port Suudaan iyo kaalinteeda dagaalka.

Magaalada Port Suudaan waxay dhacdaa waqooyi Bari ee wadanka waa caasimadda dhaqaalaha wadanka waxayna ku teedsantahay badda cas, magaaladan oo aan marna ka bixin gacanta dowladda ayaa sababtay in ay badbaado unoqoto xukuumadda taakta daran ee uu madaxda ka yahay jeneraal cabdifataax Alburhaan.

Dekadaha kuyaal magaaladan ayaa dowr muhiim ah ka ciyaaraya sii wedidda dagaallada, iyagoo masdar dhaqaale u ah dhammaan shacabka ku dhaqan Suudaanta Koonfureed iyo dalweynaha suudaan ayay qasnadda melleteriga suudaan soo gelisaa lacago boqolaal milyan oo dollar ah.

dekaddan kaligeed ayaa dowlad unoqotay suudaan marka la eego muhiimadeeda, sidoo kale madaarkeeda caalamiga ah ayaa noqday meesha kaliya ee dadka suudaan ku xira caalamka intiisa kale.

inkastoo dagaalladu ay yihiin kuwa weli sii socda islamarkaana aan lagu kala adkaan dagaalka ka socda caasimadda hadane ciidamada melleteriga ayaa bil ka hor dib ula wareegay magaalad Umudurmaan oo kamid ah magaalooyinka ay caasimadu ka koobantahay, noloshii magaalada ayaa si caadi ah usoo laabatay, ciidamada alburhaan ayaa qabsaday xarunta raadiya iyo telefeshinka oo astaan u ahaa jiritaanka dowladda dabadhilifka wadanka.

intabadan magaalada alkhurduum ayaa isku bedeshay meel lama degaan ah oo aysan dad kunoolayn sababa laxiriira dagaallada,sawirro lagasoo qaaday magaalada ayaa muujinayay burbur iyo baaba' gaaray waddooyinka iyo dhismayaasheedii caanka ahaa.

Xaafadda Shuhadada ee magaalada Umudurmaan oo aheyd fagaare aad ucamirnaa waxaa daadsan qalfoolka gaadiid ku burburay dagaallada, xaafaddan waxaa loogu magac daray macrakadii taariikhda gashay ee dhaxmartay saliibiyiintii Ingiriiska iyo xoogagii muqaawamada Mahdiyiinta waxayna macrakadani dhacday sanadkii 1898-kii.

jeneraal alburhaan ayaa iska diiday in uu wax wadahadal ah lagalo maleeshiyaadka RSF isagoo ku adkeysanayo in uu xal melleteri kusoo afjarayo colaadda suudaan.

kalimaddii ugu dambeysay oo uu jeediyay billaawgii bishan ayuu guuldarro ugu goodiyay maleeshiyaadka fallaagada isagoo bogaadiyay ciidamada dowladdiisa.

Dadka ku dhintay dagaalka suudaan ayaa lagu qiyaasaa inkabadan 13K oo qof halka ay ku barakaceen dad kabadan 10 malyuun oo ruux, dagaalkan wuxuu dhulka geliyay dhaqaalihii wadanka.

goobaha ka baxsan caasimadda ee uu dagaalku ku fiday waxaa kamid ah gobollada daarfoor iyo aljaziira oo ah gobollo muhiim u ah midnimada bulshada suudaan.

Afartii bilood ee udambaysay dagaallada ayay ciidamada xukuumadda dib usoo karaar qaadanayeen iyagoo horumarro ka sameynayay furimaha sababa laxiriira iyagoo taageero ka helay qabaa'illada suudaan iyo diyaaradaha drones-ka oo uu alburhaan ka helay dowlado ay kamid yihiin Iiraan,Ruushka iyo Masar

Related Items

Update cookies preferences