Kobac dhaqaale iyo xasillooni amni oo ka jira wadanka Afghanistan [Warbixin].

Saturday April 20, 2024 - 18:37:30
Liibaan Jeexoow
Isbedello waaweyn ayaa ka jira wadanka Afghanistan kadib 2 sano sideed bilood iyo 4 maalmood oo laga joogo markii ay talada lawareegtay Imaarada Islaamiga ah islamarkaana dalka laga xoreeyay gummeystihii Mareykanka iyo xulufadiisa saliibiyiinta NATO.
Dalkan oo dadkiisu ay caan ku ahaayeen faqri sababa laxiriira iyagoo dhibanayaal u ahaa dagaallo aan kala joogsi laheyn ayaa hadda kasoo kabanaya mashaakilaadii laga dhaxlay soo duulayaashii jinsiyadaha kala duwan lahaa ee duullaanada saliibiga ah ku qaadi jiray wadanka.

Afghanistan wuxuu kamid yahay dalalka dhaca bartamaha qaaradda Aasiya wuxuuna isku xiro muhiim ah oo dhaqaale u yahay dalalka dhaca Koonfurta iyo bariga Aasiya.

Mudada kudhow sedaxda sano ee nidaamka islaamiga ah uu ka talinayo wadanka ayay bulshada reer afghanistan ku tallaabsadaan horumar aysan gaarin boqolkii sano ee lasoo dhaafay.

Ammaanka wadanka ayaa soo hagaagay 100% oo waxaa joogsaday dagaalladii,dilalkii iyo boobkii lagu hayay hantida umadda, markii ugu horraysay wadanka waxaa dowlad ka ah nidaam islaami ah oo gacanta ku haya dhammaan gobollada wadanka tanina weligeed ma dhicin taariikhda casriga ah ee wadankan.

Fatradii hore ee xukunka imaarada Islaamiga ah intii udhaxaysay 1996-2001 qeybo katirsan Afghanistan waxaa maamulayay hoggaamiye kooxeedyo saliibiyiinta udaaban inkastoo magaalooyinka waaweyn ay Imaaradu gacanta ku haysan balse hadda xaalku sidaas waa ka duwanyahay oo ciidda Afghanistan waxaa wada camimay nidaamka islaamiga ah.

Amniga oo soo wanaagsanaaday wuxuu sababay in bulshadu sameysato ilo dhaqaale iyadoo taageera ka helaysa imaaraadka islaamiga ah, wasaaradda beeraha imaarada ayaa qaadday olole ballaaran oo dadka lagu gaarsiinayo isku filnaanshiyo dhanka cuntada ah, dalka waxaa laga hirgeliyay boqolaal biya xireenno ah.

Afghanistan oo ah dal daakhili ah oo aan badlaheyn wuxuu caan ku yahay webiyo iyo buuro ay biyuhu kasoo burqadaan, biyahaas tirada badan cidna kama faa'iidaysan jirin oo xilli roobaadyada ayay sababi jireen fatahaado dhul kumanaan kun oo kiilow mitir maasheeya.

Dalkan hodonka ah balse dadkiisu baahnaayeen xilliyada jafaafka ama jiilaalka waxaa ku dhufan jiray abaaro halakeeya nolosha dadka iyo duunyada.
wasaaradaha macdanta iyo batroolka, beeraha iyo waraabka, korontada iyo tamarta ayaa waxbadan ka qabtay majaalaatkan muhiimka ah, imaarada ayaa wasaaradahan madax uga dhigtay mas'uuliyiin takhasusaad leh arrinkaas oo sababay in durbadiiba ay guulo waaweyn soo hooyaan.

Markii ugu horraysay taariikhda Afghanistan waxaa buuxsamay biya xireenka caanka ah ee Kajki oo kamid ah biya xireennada ugu waaweyn wadanka uguna anfaca badan, Mulla Cabdulqani Baraadar oo ah R/wasaare ku xigeenka Afghanistan ee dhanka dhaqaalaha ayaa sheegay in biya xireenku uu biya buuxiyay sababa laxiriira roobabkii da'ay Kanaallo farac ah oo si nidaamsan loogu qoday wuxuu ka hadlay muhiimadda uu Sadkan u leeyahay dhaqaalaha wadanka.

Biya xireenkan ayaa laga dul dhisay webiga Helmand sanadkii 1953-dii wuxuu dhacaa degmada Kajki ee Koonfurta Afghanistan, dhererka biya xireenk waa 270 mitir, wuxuu keydan karaa biya gaaraya 1.7 Bilyan oo Mitir Kiyuubig ah.

Biyaha sadka waxaa lagu waraabin karaa dhul beereed gaaraya 650 kun oo Hiktaar, beeralayda reer afghanistan wuxu usuurtagelinayaa in ay waraabka beerahooda sii wataan 12 bilood oo kaamil ah xataa haddii uu guro webiga Helmand ee uu biya xireenku ku agyaal.

wasaaradda Tamarta imaarada islaamiga ah ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in biya xireenkan uu si kaamil ah udaboolay baahida koronto ee dadka kunool wilaayaatka kala ah Qandahaar iyo Helmand ee dhaca Koonfurta Afghanistan.

Markii hoggaanka imaarada uu juhdi ballaaran geliyay sidii ammaanka cuntada ee bulshada loo sugi lahaa waxaa suuragashay in dadku ay udhaqaaqaan tacabka beeraha, dadkii daroogada xaaraanta ah laga mamnuucay ayaa fursad loosiiyay in ay soo saaraan kasab xalaal ah waxayna muddo kooban ku guuleysteen in ay soo saaraan cunno xalaal ah.

Idaarada tirakoobka iyo macluumaadka Imaarada Islaamiga ayaa warbixin ay soo saartay bishii lasoo dhaafay ku sheegtay in badeecadaha maxalliga ah ee zaraacada dibadda loo dhoofiyay ay kasoo xarootay lacag dhan 141 Milyuun oo dollar.

Qarashkan kuma jirto cuntada beeraha kasoo go'day ee gudaha dalka lagu isticmaalay ee waa dalagga loo dhoofiyay dalalka jaarka la ah Afghanistan waana markii ugu horraysay oo tani ay dhacdo tan iyo markii uu Afghanistan ka xoroobay gummeystihii Ingiriiska.

Taqriirkii imaarada kasoo baxay sanadkii hore ayaa lagu sheegay in badeecadaha kasoo go'ay beeraha maxalliga ah ee dibadda loo dhoofiyay ay gaarsiisneyd 789 malyuun oo dollar.

Khudradda.malabka.qamadiga iyo istaroobariga ayaa ah waxa ugu badan ee ay beeralaydu tacbadaan kadibna ay ka helaan maxsuul aad u wanaagsan.
Kobaca dhaqaalaha Afghanistan waxaa kaalin weyn ka qaatay nidaamka islaamiga ah oo dagaal lagalay Musuq maasuqa,Laaluusha iyo qishka wuxuuna dadka ujiheeyay dhanka Shareecada Islaamka.

Khudbaddii uu ciidul Fitrigii lasoo dhaafay jeediyay Amiirul mu'miniin Heybatullah Akhunzaadah ayuu ku bogaadiyay dadaalka ay madaxda imaaradu ugu jiraan kobcinta dhaqaalaha bulshada si muslimiintu uga kaaftomaan gargaar ku sheegga hay'adaha gaalada.

Wasaaradda ganacsiga ayaa iyana bayaan ay soo saartay ku sheegtay in intii ay imaaradu ku xunka haysay ay badeecada dibadda loo dhoofiyay gaartay adduun dhan 1 bilyan oo dollar waana markii ugu horraysay oo majaalkan uu ka sara maray saqafka Milyan uuna gaaray Bilyan.

Alxaaji Nuuradiin oo ah wasiirka ganacsiga xukuumadad Islaamiga ah ayaa caddeymo uu bixiyay ku sheegay in sababaha uu dhaqaalaha dalka sare ugu kacay ay kamid tahay islaaxin ay ku sameeyeen marin xuduudeedyada oo xilligii gummeystaha uu dhib kajiray.

wuxuu sheegay in marin xuduudeedyada dalalka dariska ah ay nidaamkooda wanaajiyeen arrinkaas oo sababay in badeecadaha ganacsiga ay si nabad gelya leh isaga kala gudbaan.

badeecadaha ganacsi ee Afghanistan ay udirtay dalalka ozbakistan iyo iiraan ayaa bishii lasoo dhaafay gaaray waxkabadan 400 oo malyuun oo dollar.

Dhinaca kale wasaaradda arrimaha gudaha ayaa tababar usoo xirtay boqolaal katirsan ciidamada xisbada imaarada islaamiga ah kuwaas oo qeyb ka qaadan doona sugidda amniga iyo tadbiiqinta shareecada.

ciidamadan oo ah kuwa gaarka ee Kumaandooska loo yaqaan ayaa tababarka ku qaatay qaab casri ah waxaana lagu hubeeyay hubkii laga qaniimeystay dowladda saliibiyadda Mareykanka.

isdaar cusub oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha oo ciwaan looga dhigay ayay ciidamadu kasoo muuqanayaan iyagoo tababar heer sare ah qaadanaya.

Ciidamada sida gaarka ah utababaran ee wasaaradda ayaa wax weyn ka bedelay amniga magaalada kaabuul waxayna ciidamadan ilaaliyaan xarumaha wasaaradaha iyo maxkamadaha islaamiga ah.

Guutooyinka Badri ayaa iyana isbuucii lasoo dhaafay kaalin weyn ka qaatay soo badbaadinta dadkii ku saamoobay daadkii ku dhuftay intabadan gobollada wadanka afghanistan.

ciidamadan qeybtooda cirka ayaa la arkayay iyagoo diyaaradaha Helakobtariska adeegsanaya oo tobanaan qof soo badbaadinaya,ciidamada qaar ayaa dhulka buuraha lagu daadiyay si ay usoo daad gureeyaan dhibanayaasha.

inkabadan 70 qof ayaa ku dhuntay roobabkii daadadka watay ee ku dhugtay gobollada dhaca koonfurta iyo bartamaha afghanistan.

Related Items

Update cookies preferences