Dagaal ay ku dhinteen ku dhowaad 30 ruux oo ka dhacay bariga Sh/dhexe.

Monday May 13, 2024 - 11:49:06
Liibaan Jeexoow
Khasaara Lixaad leh ayaa ka dhashay iska hor'imaadyo culus oo maleeshiyo beeleedyo hubaysan ku dhaxmaraya deegaanno katirsan gobolka Sh/dhexe.
Dagaalkan oo shalay dib uga qarxay inta u dhexeysa deegaanada Bur-Shiiq iyo Biyo Cadde ayaa sababay dhimashada 25 ruux oo ubadan dhinacyada dagaallamay.

ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in dadka lagu dilay dagaalkii shalay ay kamid yihiin haween iyo carruur,maleeshiyaadka dagaallamaya ayaa ku murunsan dhul daaqsimeed.

Labada dhinac ayaa gurmad xooggan ka helay deegaannada Biya Cadde iyo Xaaji Cali waxaana laga cabsi qabaa in markale ay dirir foodda isgeliyaan.

Saraakiil caan ah oo katirsan ciidamada dowladda Federaalka ayaa dagaallada hurinaya iyagoona qaab beeleed ula kala saftay maleeshiyaadka dagaallamaya.

Bariga Sh/dhexe waxaa labadii sano ee lasoo dhaafay ka dhacayay dagaallo laayaan ah oo udhaxeeya maleeshiyo beeleedyo hubaysan, 10-kii sano ee gobolkan ay maamulaysay wilaayada islaamiga Sh/dhexe waxaa aad uyaraa isku dhaca beelaha balse markii nidaamka Dimuquraadiga ah uu gobolkaas gaaray ayay xumaanto ku dhax dhaaftay bulshada.

Related Items

Update cookies preferences