Yuhuud careysan oo ku qayliyey Wasiirka Amniga Yuhuudda Ben Griv

Tuesday May 14, 2024 - 14:04:59
Liibaan Jeexoow
Waxa baraha bulshada qabsadey muuqaal laga soo duubey xuska maalinta askartii ka dhimatey Yuhuudda tan iyo 1948. Xuska waxa ka soo qayb galey Netanyahu iyo wasiirkiisa amniga Ben Griv iyo masuuliyiin kale oo Sahaayino ah.
Wasiirka Amniga Yuhuuddu markii uu soo galey qubuuraha lagu qabanayey xuska ee Ashdood waxa isla kacey dadkii joogey goobta oo qaarkood wiilashooda ku waayey dagaalka u dhexeeya Iska-caabbinta Xamaas iyo Ciidamada Yuhuudda.

"Meesha Ka bax, waxaad tahay dambiile...maxaad meesha ka qabanaysaa? ” waxa ku qayliyey qaar kamid ahaa dadkii goobta joogay. Dhanka kale ciidamadii meesha joogey ayaa la arkayey iyaga oo isku dayaya in ay dadka dejiyaan.

Wargeyska Yedioth Ahronoth(Yudiicoot Axronoot) oo ka soo baxa Israel ayaa qorey in xuskan loo sameeyay dadka qaraabada la ah askartii Yuhuudda ahayd ee ku nafwaayey dagaalka, ehalladuna ay isku dayeen in ay ka hor joogsadaan mas’uuliyiinta Yuhuudda in ay hadlaan.

Dhanka kale Shebekadda Al Jaziira ayaa qortey in dadweynihii ka soo qaybgaley xusku barkood isaga dareereen goobta ka dib markii Netanyahu uu bilaabey in uu khudbeeyo.

Isku soo wada duuboo maamulka Yuhuudda ayaa dareemaya culays ballaaran oo gudeed iyo mid dibadeed. Maamulka Daaquutka ah ee Masar ee uu hoggaamiyo Alsiisi ayaa wararka qaar ay sheegayaan in uu ku biirey dalalka dacwadda ka dhanka ah Yuhuudda ka gudbinaya taas oo culeys siyaasadeed ku keentay Israel. Alsiisi waxa uu ahaa saaxiibka dhow ee Yuhuudda.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences