15 katirsan ciidanka Yahuudda oo lagu dilay Jabaaliya iyo warar kale.

Wednesday May 15, 2024 - 15:29:29
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaanaya dhulalka Falasdiin ayaa sheegaya in markale khasaara xooggan dhabarka loo saariyay ciidamada cadowga Yahuudda ee duullaanka gardarrada ah ku qaaday magaalada Qaza.
Ugu yaraan 12 askari oo Sahaayinada katirsan ayaa lagu dilay weerar qorshaysan oo xoogaga muqaawamadu ay ka fuliyeen xaafadda Jabaaliya.

War kasoo baxay kooxda Cizudiin Al Qassaam ayaa lagu sheegay in ciidamada Yahuudda ee halaagsamay ay xasuuq ku howlanaayeen burburinta guryaha shacabka magaalada Qaza.

Dhinaca kale ciidamada cadowga Yahuudda ayaa isaga baxay xaafadda Zeytuun kadib dagaallo culus oo ay lagaleen xoogagga muqaawamada.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ay arkayeen gaadiidka gaashaaman ee Yahuudda oo isagasii baxaya xaafadda Zeytuun oo kamid aheyd meelihii ay ka dhaceen dagaalladii ugu cuslaa magaalada Qaza.

Related Items

Update cookies preferences