Kadeedka uu igu Hayo gumeystaha Afrikaanka ah,Illinta Iga Qubaneysa Waa La Eedi Doonaa.

Saturday February 07, 2015 - 19:47:41
Super Admin
Ciidamada shisheeyaha Afrikaanta ah ee soomaaliya kusoo duulay
Ciidamada shisheeyaha Afrikaanta ah ee soomaaliya kusoo duulay
Marka aad la sheekeysato dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho, wuxuu qof kasta oo iyaga kamid ah kuu sheegayaa arrin aad ka naxdo ama aad ka calool xumaato.


Dhibaatooyinka ugu daran ee ay dad badan la ilmeenayaan ayaa waxaa kamid ah hawl gallada aan qorshaha ku saleysneyn ee ay sameeyaan ciidamada shisheeye iyo dowladda, kuwaas oo salfada arday, macallimiin, waalidiin iyo xamaalato qaraab doon u ah caruurtooda.

Mar aan u kuur galayay arrintan iyada ah ayaa waxaa ii suura gashay inaan la sheekeysto Aabe Soomaaliyeed oo ka tirsanaan jiray wasaaraddii wax barashada ee dowladdii Kacaanka.

Ninkan oo aqoonyahan ah magaciisana kusoo koobay Salaad ayaa sheegay in shacabka caasimadda ku dhaqan ay ku jiraan gumeysi aad u daran oo aanu wali arag inta uu joogay dalka.

Wuxuu tibaaxay in DF iyo shisheeyaha ay maalin walbaahi xabsi wadareed u geystaan boqolaal dad weyne ah iyagoo ku andacoonaya iney sugayaan ammaanka ama ay soo dhaweynayaan wufuud ajaanib ah.

Mar isaga qudhiisa laga xiray wiilkiisa yaraanka ah ayuu ii sheegay in uu muddo labaatan maalmood ah ku wareegayay saldhigyada iyo Xabsiyada dowladda si uu u ogaado halka lagu heysto wiilkiisa iyo sababta loo xabisay.

Arrinta xusidda mudan ee uu ka dhawaajiyay ayaase ah in dhammaan xarumaha uu tagay uu ku arkayay waalidiin da’ iyo da’ dhexe isugu jira oo si loogu sii daayo caruurtooda ku hoos ooynaya askar shisheeye ah oo dhammaantood kibir dartii sanka taagaya.

Wuxuu ka dhawaajiyay inuu indhihiisa ku arkay haweeney qiyaastii 70 sano jir ah oo uu cudurka dhiig karka ku dhacay kadib markii ay weysay halka la geeyay wiil ay ayeeyo u tahay oo ay xirteen ciidamada dowladda inkastoo muddo dheer kadib raqdiisa la helay.

"Haweeneydan hadda wey qalashaa oo cudurkii ku dhacay ayaa lug iyo gacan ka naafeeyay” sidaasi waxaa yiri Salaad oo ciil darti la gurxamaya.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay inuu soo maray nidaam iyo dowladnimo islamarkaana uusan la yaabeyn dad xabsiga loo taxaabo, laakin arrinta ka daadagi la’ ay tahay in ciidamadu maalmaha qaar iska xirtaan qof walba oo ay dariiqa ku arkaan.

Sidoo kale wuxuu sheegay inuu la yaaban yahay sida ay askarta shisheeye iyo dowladduba laaluushka uga qaataan waalidiinta dhallinyaradooda la xiro.

Waxa intaa dheer oo uu tilmaamay in xabsiyada lagu hayo boqolaal ruux oo aan la xukumin taasoo uu sheegay iney khilaafeyso qaanuunka wadciga ah ee u qoran dowladda.

Isku soo wada duuboo Salaad ayaa hoosta ka xarriiqay in goor aan fogeyn ay dhici doonto in dowladda iyo shisheeyuhu eedaan Illinta ay ka qubayaan waalidiinta magaalada Muqdisho.

Wuxuu xusay in dowladda Xassan Sheekh iyo shisheeyuba mari doonaan dhabbihii ay qaadeen dowlado badan oo ciil iyo caloolyow baday shucuub muslimiin ah sida:-Khadaafi iyo dowladiisii, Mubaarak iyo dowladdiisii iyo kuwa kale.

Ugu dambeyntii wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay iney ka shaqeysiiyaan damiirkooda islaanimo iskana dul qaadaan dulliga ay ku jiraan iyagoo hiigsanaya himilo sal adag oo ah iney ku dhaqmaan diintooda islaamka wixii kasoo harana ay iska diidaan, taasoo lagu gaari karo horumar adduunyo iyo mid aakhiro intaba.

Diyaariye: Jaamac Dhoorre.


Related Items

Update cookies preferences