Qamri Hor Leh oo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho Lagasoo Dajiyay,Shacabka Gobolka Banaadir oo Fisqi Daran Ka Sheeganaya.

Wednesday February 25, 2015 - 10:19:40
Super Admin
Magaalada Muqdisho waxaa si aan horay loo arag ugu faafaya Munkarka halka macruufku uusan kajirin qeybo badan oo magaalada katirsan.


Muqdisho oo ah caasimadda Soomaaliya ayna degganyihiin malaayiin qof muslimiin ah waxa bedelay gaalo aan tirabadnayn balse awooddii xukunka qabsatay.

Degmooyinka gobolka Banaadir qaarkood waxay la ciirciirayaan xaaraamta sida qamriga,xashiishadda iyo hoteellada ay ku kulmaan faasiqiinta arrinkaasi oo walaac ku beeray waalidiinta soomaaliyeed.

Fisqiga ayaa waddooyinka daadsan degmooyin ay kamid yihiin Waaberi,Xamarweyne X/Jajab iyo xaafadaha ku teedsan laamiyada ee degmada Hodon.

Agagaarka Garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo meel ku dhaw madaxtooyada Villa Somalia waxaa kuyaal Hoteello gaar u ah Haweenka jirkooda ka ganacsada,qurba jog fusaqo ah iyo siyaasiyiin katirsan DF-ka.

Culimaa’udiinkii xaqqa lajahri jiray ayaa magaalada isaga cararay kadib markii ay eryasho kala kulmeen hay’adda ashahaadda ladirirka DF-ka iyo ciidanka AMISOM.

Waxaa xusid mudan in xaafado Muqdisho katirsan sida Huriwaa,Howlwadaag,Dayniile,Yaaqshiid iyo Kaaraan ay ka roonyihiin degmooyinka kale islamarkaana dadka ku dhaqan ay ka dhiidhiyeen xummaanta.

Garoonka diyaaradaha caalamiga Muqdisho wuxuu waddo u yahay soo daabulidda Qamriga qeybihiisa kala duwan kadibna waxaa loo qeybiyay Hoteellada iyo dukaamada caanka ku ah iibinta qamriga.

Col.C/llaahi Xasan Bariise oo u hadlay booliska DF-ka ayaa sheegay in shalay garoonka diyaaradaha ay soo caga dhigatay diyaarad nuuca xamuulka ah oo sidday khamri kabadan 25,000 dhalo.

Wuxuu xaqiijiyay in diyaaradda oo kasoo kicitintay Kenya ay qamriga dajin rabtay iyadoo ku wareejin laheyd saraakiil caddaan ah oo katirsan shirkadda SKA oo iyana kasii iibin rabay ganacsato reer Muqdisho.

Ninka xeer ilaaliyaha guud ugu magacaaban DF-ka ayaa isna adkeeyay in Hoteello Muqdisho kuyaal si caadi ah qamriga loogu iibiyo islamarkaana goobaha ganacsiga garoonka diyaaradaha qaarkood loo sameeyay qeybo gaar ah oo qamriga qeybihiisa kala duwan lagu iibiyo.

"Qamriga si caadi ah ayaa garoonka diyaaraha iyo dekadda loogasoo dajiyaa hoteellada iyo xarumaha dowladda ayaana lagu isticmaalaa,mana jirto cid diidi karta sababtoo ah kuwa qamriga cabaya ayaa dalka dowlad ka ah"ayuu yiri Cabdi Cadde oo SomaliMeMo lahadlay.

Muqdisho oo gacan cadaw ku jirta waxay mareysaa maalmihii ugu xumaa balse waxaa lafilayaa isbedello waaweyn dhacaan sanadada soo socda isha’allaah>

ilaahey daalimiinta waa u kaadiyaa balse marka uu qabto qabasho adag ayuu qabtaa.

وَكَذَلِكَ أَخْذُ رَبِّكَ إِذَا أَخَذَ الْقُرَى وَهِيَ ظَالِمَةٌ إِنَّ أَخْذَهُ أَلِيمٌ شَدِيدٌ

Related Items

Update cookies preferences