Shirkadda Microsoft Oo Joojinaysa Adeegga WindowsXP Warbixin

Wednesday June 11, 2014 - 20:06:21
8533
Super Admin
Xilli ay caalamka kusoo kordhayaan kooxaha shufta Internet-ka ayay shirkadaha ka shaqeeya arrimaha Tiknoloojiyadda waxay wadaan dadaal ballaaran oo ay afka ciidda ugu darayaan kooxahaasi burcadda ah.
Xilli ay caalamka kusoo kordhayaan kooxaha shufta Internet-ka ayay shirkadaha ka shaqeeya arrimaha Tiknoloojiyadda waxay wadaan dadaal ballaaran oo ay afka ciidda ugu darayaan kooxahaasi burcadda ah.

Shirkadda Microsoft ayaa ku dhawaaqday in ay joojisay taageeradii ay siin jirtay barnaamijka WindowXP oo kamid ah Window-yada ugu isticmaalka badan adduunka inkasta oo uu yahay mid qadiim ah.
somalimemo.net
War rasmi ah oo kasoo baxay madaxa fulinta Microsoft ayaa lagu xaqiijiyay in wixii ka dambeeya 8,April,2014 ay shirkaddu joojisay taageeradii dhanka Up-date-ka oo ay siin jirtay WindowXP sababa laxariira khatartiisa oo caalamka ku korortay.

Inkastoo Microsoft ay WindowsXP tuurtay hadane 20% illaa 25% bulshada caalamka ayaa isticmaasha,dowladaha Ingiriiska iyo Holland ayaa kal hore saxiixay heshiis mudada loogusii dheeraynayo taageerada Microsoft ee XP balse waxaa muuqata in uu soo idlaaday waqtigii loogu talagalay in uusii shaqeeyo.

Dowladda Holland waxay sheegtay in 40-kun oo Kumbiyuuter oo shirkado iyo xafiisyada xukuumadda yaal lagu isticmaalo barnaamijka WindowsXP waxaana jira cadaadis Microsoft lagu saarayo in ay sii waddo taageerada ay siiso XP.

David M oo ah khabiir katirsan shirkadda Kaspersky Anti-Virus ayaa sheegay in tallaabadani ay wax weyn ka geysanayso ka hortagga kooxaha wax weerara wuxuuna dhaliilay nidaamkii XP,kooxaha shuftada internetka ayaa la sheegay in ay si fudud ugu dhax xaluushaan XP.

Microsoft ayaa XP soo saartay sanaddii 2001 waxaana ka dambeeyay sedax isdaar oo ay ugu muhiimsanyihiin Windows7 iyo Windows8,falanqeeyaal arrimaha Internetka ayaa aaminsan in Microsoft ujeedkeedu yahay sidii ay suuq ugu heli laheyd Win8 oo wax aan dhameyn sanad shaqeynaya.

W/D Calas Dhuunkaal Mahad

[email protected]

Related Items

Update cookies preferences