Farmaajo...Soomaali Oo Addis Ababa loogasoo Hanjabo Cabdullaahi Yuusuf Ayaa Kaaga Horreeyay W/Q Warfaa Kheyrdoon.

Thursday May 04, 2017 - 11:24:41
Super Admin
Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay in heshiis buuxa ay lagashay hoggaanka dowladda Federaalka Soomaaliya kaasi oo ku aaddan ladagaallanka waxa loogu yeero Argagaxisada iyo sii haysashada dhul Soomaaliyeed.



R/wasaaraha Itoobiya Haillamarem Desalegn oo shir Jaraa’id ay wada qabteen Farmaajo ayaa sheegay in Itoobiya ay isbarbar taagayso mashruuca ka dhanka ah waxa loogu yeero Argagaxisada.

Warmurtiyeed labada dhinac ay soo saareen ayay ku muujiyeen in ay ka midaysanyihiin dagaalka Soomaaliya balse madaxweynaha dowladda Federaalka Max’med Cabdullaahi Farmaajo ayaa shirka Jaraa’id ee Addis Ababa ka sheegay in itoobiya ay kaalin libaax leh ka qaadanayso ladagaallanka Xarakada Al Shabaab.



Wuxuu sheegay in qorshe cusub oo ku aaddan baabi’inta Al Shabaab uu lasoo gaaray dowladda Itoobiya balse ah sii qabsashada dalka Soomaaliya taasi oo ka dhigan in Farmaajo uu qaaday dhabbihii Cabdullaahi Yuusuf iyo madaxdii ka dambeysa ee Dowladda Federaalka ay qaadeen.

10,October, 2004 ayuu Col. Cabdullaahi Yuusuf Khudbad Ka jeediyay garoonka kubadda cagta Kasaraani ee magaalada Nairobi wuxuuna wadamada Afrika ka codsaday 20,000 oo Askari si uu Soomaaliya ugu qabsado islamarkiiba waxaa ka dhabeeyay dowladda Itoobiya oo ciidankeedu ay Cabdullaahi Yuusuf uqabteen inta badan magaalooyinka dalka Soomaaliya.

Farmaajo hadda wuxuu u muuqdaa in uu dabadhilifnimada iyo Itoobiyaan Jaceylka uga dayanayo madaxdii isaga horraysay.

Dadka Falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa aaminsan in Itoobiya si gaar ah aysan ugu daneyn Farmaajo ama kuwii isaga ka horreeyay iyo kuwa ka dambeyn doona balse danteedu ay tahay sidii ay uqabsan laheyn dhul hor leh oo shacabka Soomaaliyeed leeyihiin islamarkaana ay ukala fogeyn laheyd Shacabka iyo Shareecada.

Damacyada fog ee Itoobiya leedahay waxaa kamid ah kala daadinta ciidan Soomaaliyeed oo awood leh iyo dhismaha maamul goboleedyo mid walba madaxweyne iyo xasaanad gaar ah leeyahaay.

Ciidamada Itoobiya ayaa marka ay rabaan qabsada magaala Soomaaliyeed marka ay rabaana isaga baxa balse cidda kaliya ee cadowgaas la xisaabtamaysa waa Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo Farmaajo iyo kuw lamid ah u yaqaanaan Argagaxiso!.


Mashruuca la dagaalanka ‘Argagaxisada’ ama Mujaahidiinta wuxuu madhalays ka dhigay dhammaan maamulladii kala duwanaa ee dalka soo maray halka uu cuuryaamiyay dowlado soomaaliya ka awood badan sida Ciraaq,Afghanistan iyo Mareykanka waxaana muuqata in Farmaajo uu doqonimo iyo xilkasnimo darro lasoo shir tagay wuxuuna niyadda ka dilay kumanaan qof oo markii xilka loo doortay umashxaraday islamarkaana sheegay in uusan lamid ahaan doonin madaxdii ka horraysay.

Ladagaallanka Argagaxisada ma ahan mid Soomaalida dan ugu jirto waa mashruuc aan dhammaad laheyn oo reergalbeedku kumanaan kun oo kiilow mitir kasoo safriyeen.

Maanta waxay mareysaa in qof sheeganaya Madaxweyne Soomaaliyeed uu Addis Ababa tago kadibna uu usoo Hanjabo dad Muslimiin Soomaali ah, waxa uu halaag iyo baaba’ ugu goodinayo waa dadkii uu ka dhashay ee sokeeye iyo xigto la ahaa wuxuu usoo kaashanaya waa cadawgii umadda Soomaaliyeed ee Itoobiya.

Taas waxaa kasii daran warbaahinta Afka Soomaaliga ku hadasha qaarkeed oo halka ay dabadhilifnimo ka gaartay socdaalka Farmaajo ee Addis Ababa ku Tilmaamaysa Mid Taariikhi ah.. waxaad mooddaa in aan noolnahay waqti Ratiga ama Awrka Caloosha heeryada halaga saaro laleeyahay!.

 Ugu Dambeyn waxaan qormadeyda kusoo gaba gabeynayaa Farmaajoow Soomaali Addis Ababa loogasoo Hanjabo Cabdullaahi Yuusuf Ayaa Kaaga Horreeyay!.

Dadka aad aad ugu hanjabaysid Xaniinyaha Trump iyo Desalegn hortaa ayay jireen waana jiri doonaan haddii alle idmo, shaki kuma jiro in adiga oo  tuugsi shisheeye kujira shaqada aad ka tagi doontid ama lagu Eryi doono adigoo lagugu shaqeystay halka Shacabka Soomaaliyeed iyo halgamayaashoodu ay baaqi sii ahaan doonaan macnaha Jihaadku waa sii jirayaa illaa iyo qiyaamaha manalahan Waqti ama Mandante ay goynayaan Ururada Q.Midoobe,Midowga Afrika iyo Midowga Yurub.

W/Q Warfaa Kheyrdoon

Kala Xiriir Email
[email protected] 

FG: Fikirka wuxuu u gaar yahay Qoraaga

 

Related Items

Update cookies preferences